Maxkamadda G/Banaadir waxaa laga diiwaan-geliyay sanadkaan 2020(Jan-Oct 2020) in ka badan 38 kiis oo la xiriira kufsi iyo fara-xumeyn caruur.
Waxay dacwadahaasi iskugu jiraan kufsi iyo galmooyinka aan dabiiciga ahayn ee lagu galo xoogga.
Sagaal Kiis oo ka mid ah waxay la xiriiraan galmada aan dabiiciga ahayn ee ku xusan Qod.400 XCS, halka 29 ka mid ay yihiin kufsiga caadiga ah ee ku xusun Qod.398 XCS. Waxaa intaa dheer in Todobo ka mid ah ay yihiin fal kufsi-wadareed.
Xogtaan waxaan ka soo xiganay Kaalinta Maxkamadda G/Banaadir.