Horudhaca Qormooyinka
Shirka garsoorku waa shir sanadle ah oo qabsooma horraanta sanad walba, waxaana ka mid ah waxyaabaha lagu soo bandhigo, qormooyin laga sameeyay mowduucyada lagu gorfeynayo shirka kuwaas oo ka duulaya mowduuca guud ee shirka sanadkaas.
Mowduuca guud ee shirka garsooorka ee sanadkan 2025 waxaa loo doortay in uu noqdo (Casriyeynta Garsoorka), taas oo looga golleeyahay in diiradda lagu saaro casriyeynta garsoorka, si arrintaasi loogu qaadaadhigo shirka si habsami lehna, guddiga qabanqaabada shirku waxa uu diyaariyay mowduucyo hoos immanaya mowduuca guud ee shirka kuwaas oo si mug leh daraasad uga soo sameeya mid kasta mowduuca uu ku saabsan yahay.
Mowduucyadaas hoos immanaya mowduuca guud ee shirka waxa ay noqdeen shan mowduuc oo mid kasta loo xilsaaray xubna loo arkay in ay yihiin kuwii ku habboonaa diyaarrinta daraasaddaas iyo soo bandhigiddeeda.
Mowduuca 1aad: Waaqica garsoorka iyo casriyeynta, mowduucani waxa uu diiradda saarayaa sooyaalka garsoorka Soomaaliya iyo casriyeyntiisa, gaar ahaan casriyeynta uu garsoorku ku tallaabsaday burburkii ka dib, iyada oo uu gunaanadka soo jeedinayo talooyin loogu talagalay in lagu xoojiyo casriyeynta garsoorka, si kor loogu qaado adeegga caddaalad ee uu bulshada u hayo.
Mowduuca 2aad: Qiimeynta qoondada miisaaniyadda iyo dedaallada casriyeynta garsoorka, mowduucani waxa uu diiradda saarayaa kaalinta qoondada garsoorka ee miisaaniyadda dalku ay ku leedahay guud ahaan howlgudashada garsoorka, gaar ahaanna casriyeyntiisa, iyada oo uu qiimeyn ku sameeyay is beddellada qoondada garsoorka ee miisaaniyadda dalka laga soo billaabo 2015 ilaa 2024. Ugu dabeynna waxa uu soojeedinayaa talooyin kor loogu qaadayo qoondada garsoorka ee miisaaaniyadda dalka si uu habsami ugu guto adeegga cadaalad ee uu bulshada u hayo.
Mowduuca 3aad: Kaalinta sharciyada ee casriyeynta garsoorka, mowduucani waxa uu diiradda saarayaa kaalinta casriyeynta sharciyada ay ku leedahay casriyeynta garsoorka, waxa uuna soo bandhigayaa heerka sharciyada ay ka joogaan casriyeynta iyo saamaynta ay arrintaasi ku leedahay casriyeynta garsoorka. Ugu dambeynna waxa uu soojeedinayaa talooyin kor loogu qaadayo casriyeynta sharciyada si ay u fududeeyaan casriyeynta garsoorka.
Mowduuca 4aad: Kaalinta teknoolojiyadda ee casriyeynta garsoorka, mowduucani waxa uu diiradda saarayaa muhiimadda ay tiknoolojiyadda u leedahay guud ahaan dowladnimada gaar ahaan kaalinta ay ka geysankarto fududeynta adeegga caddaaladda ee uu Garsoorku bulshada u hayo, sidaas oo kale khataraha la socda adeegsiga tiknoolijiyadda gaar ahaan ilaalinta xogta, ugu dambeynna qormadu waxa ay soo jeedinaysaa talooyin kor loogu qaadayo adeegsiga tiknoolojiyadda si loo casriyeeyo adeegga caddaaladda ee uu bixiyo garsoorku.
Mowduuca 5aad: Kaalinta caddaymaha elekterooniga ah ee casriyeynta garsoorka, mowduucani waxa uu diiradda saarayaa kaalinta shaqo wanaag iyo fududayn ee uu ku soo kordhinayo xayndaabka shaqada garsoorka, ugu dambeynna qormadu waxa ay soo jeedinaysaa talooyin kor loogu qaadayo adeegsiga caddeymaha elektarooniga ah si loo casriyeeyo adeegga caddaaladda ee uu bixiyo garsoorku.QORMOOYINKA SHIRKA GARSOORKA 2025