AWOODDA GARSOORKA SOOMAALIYA EE KA GARNAQISTA DACWADAHA KA DHASHA HAWLGALKA AMISOM, IYO DACWADAHA LIDKA KU AH UNSOM.

AWOODDA GARSOORKA SOOMAALIYA EE KA GARNAQISTA DACWADAHA KA DHASHA HAWLGALKA AMISOM, IYO DACWADAHA LIDKA KU AH UNSOM

1. GOGOLDHIG
Sida aan ogsoonahay Dawladda Soomaaliya iyo Hawl-galka Midowga Africa ee loo soo gaabiyo AMISOM waxaa dhex maray heshiis nidaaminaya xaaladda Amisom iyo xiriirada ay la yeelanayaan bulshada Soomaaliyeed sidoo kale qaramada midoobe ee uu matalaayo xafiiska UNSOM iyo Dawladda Soomaaliya waxaa dhex maray heshiis nidaaminaayo xaaladda iyo maqaamka Hawl-galka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOM, sidoo kale waxaa jira heshiisyo caalami ah iyo shuruuc kale oo heer qaran ah oo nidaaminaysa maqaamka diblomaasiyiinta iyo xaaladooda, shuruucdaas oo kala qeexaysa xaaladaha la dacweyn karo iyo kuwa aan la dacwayn karin.
Ugu dambayntii waxaa jira shuruuc heer qaran ah oo iyaguna nidaaminaaya qaabka loo dacwayn karo Muwaadiniinta Wadmada Shisheeye oo ay ku jiraan diblomaasiyiinta matala wadamada shisheeye, xaaladaha la dacwayn karo danjirayaasha wadamada shisiheeye iyo xaaladaha aan la dacwayn karin.
Haddaba haddii Alle idmo, waxaan si kooban isu dul taagi doonnaa dhammaan shuruucdaas si aan u ogaano ilaa heerkee la dacwayn karaa qaybahan hoos ku qoran:
A. Xubnaha haw-lgalka Midowga Africa haddii ay ahaan lahaayeen diblomaasiyiin, ciidamo iyo qandaraas layaasha la shaqeeya hawl-galka Midowga Africa.
B. Xubnaha hawl-galka Qaramada Midoobe ee loo soo gaabiyo UNSOM iyo hay’adaha kale ee UNka.
2. HESHIISYADA AMISOM IYO UNSOM
Dawladda Soomaaliya waxay heshiis la gashay hawl-galka Midowga Africa 06/03/2007, heshiiskaas oo lagu magacaabo STATUS OF MISSION AGREEMENT (SOMA), sidoo kale waxay heshiis la gashay hawl-galka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya markay ahayd February-2014, labada heshiisba waxay tilmaamayaan in aan laga dacwayn karin Maxkmadaha gudaha dhammaan xubnaha ay ka kooban yihiin labada hawl-gal ee Midowga Africa iyo Qaramada Midoobe.

  • Tusaale ahaan qodobka 54aad ee heshiiska dhex maray Dowladda Soomaaliya iyo Hawl-galka Midowga Africa wuxuu qeexayaa in dhammaan xubnaha AMISOM oo ay ku jiraan kuwa laga shaqaalaysiiyay wadanka gudahiisa ay ka dhawrsanyihiin hannaan dacwo oo gudaha wadanka ah oo la xiriirta war ay ku hadleen,qoraal ay sameeyeen iyo ficil kasta oo ay gaysteen.
  • Sidoo kale qodobka 55aad ee isla heshiiskaas wuxuu qeexayaa in qof kasta oo ka mid ah xubanaha AMISOM ee fal dambiyeed gaysta loo gudbinaayo madaxa hawlgalka AMISOM oo aan laga dacwayn karin Maxkamadaha dalka , wuxuu intaa ku darayaa in aan xubanaha AMISOM looga furin Maxkamad gudahaah Dacwad Madani ah oo ka dhalatay gudashada waajibaadkooda rasmiga ah.
    Si taa la mid ah ayuu caddaynayaa heshiiska Dawladda Soomaaliya ay la gashay Hawl-galka Qaramada Midoobe gaar ahaan qodobada 24aad, 54aad,55aad iyo 56aad, in Maxkamadaha gudaha aysan wax awood ah u lahayn ka garnaqista Dacwadaha lidka ku ah xubanaha hawl-galka Qaramada Midoobe haddii ay ahaan lahaayeen Dacwado Madani ah iyo kuwa Ciqaab ah intaba.
    Labada heshiis oo taabanaaya xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo arrimo kale oo muhiima ah kana hor imaanaaya qayba ka mid ah shuruucda dalka lama marsiinin hanaanka ansixinta heshiisyada caalamiga ah ee lala galo Dawladaha iyo hay’adaha leh shaqsiyad qaanuuneed oo caalami ah, hannaankaas oo ku xusan Dastuurka Federaalka gaar ahaan qodobka 90aad ee Dastuurka Xarafka Q, iyo Xeerka dhaqan-gelinta Habraaca Heshiisyada ee Golaha wasiiradu Soo raarayn 06/12/2018, ee Xeer Lr 047.
    3. HESHIISKA CAALMIGA AH EE VIENA EE KU SAABSANAA XIRIIRADA DIBLOMAASIYADDA MUXUU KA LEEYAHAY AWOODDA MAXKAMADDAHA GUDDAHA EE HAWL-GALKA MIDOWGA AFRICA IYO QARAMADA MIDOOBE EE SOOMAALIYA?
    Ugu horayntii qodobka 14aad ee Heshiiska VIENA ee xiriirada diblomaasiyadeed ee 1961 wuxuu ka hadlayaa heerarka ergada diblomaasiyiinta ee leh xasaanada oo u qaybsama sadex heer oo kala ah:
    a) Heerka Safiirada iyo madaxda Ergada.
    b) Heerka Ergada dibloomaasiyadeed ee qabta hawlaha ay u xilsaareen madaxda Dawladaha.
    c) Danjirayaasha kale ee qabta hawlaha ay u xilsaartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
    Diblomaasiyiinta leh dhawrsanaanta ama xasaanadda waa kuwa lagu sheegay qodobka 14aad ee aan horay usoo sheegnay.
    Xubnaha lagu qeexay qodobka 14aad, waxay ka dhowrsanyihiin Dacwad ciqaabeed kasta oo looga oogo Dawladda ay joogaan, sidoo kale waxay ka dhowrsanyihiin dacwadaha madaniga iyo kuwa idaariga ah sida uu jidaynaayo qodobka 31aad ee isla heshiiska VIENA, hase ahaatee waxaa jiro dhowr Dacwadood oo lagu furi karo diblomaasiyiinta lagu qeexay qodobka 14aad oo ay ka mid yihiin kuwaan hoos kun qoran:
    ➢ Dacwadaha la xiriira hantida maguurtada ah ee ku Taalla dhulka dawladda ee diblomaasigu shaqada ka haayo.
    ➢ Dacwadaha la xiriira dhaxalka iyo dardaaranka haddii diblomaasigu yahay cidda fulinaysa dardaaranka ama maamulaysa dhaxalka ama uu ka mid yahay dhaxaltooyada asaga shaqsi ahaan.
    ➢ Haddii dacwaddu ku saabsan tahay xirfad madax banaan ama ganacsi.
    Arrimahaan waa arrimo lagu dacwayn karo diblomaasiyiinta lagu qeexay qodobka 14aad ee Heshiiska VIENA, taasoo micnaheedu tahay in diblomaasiyiinta ka tirsan hawlgalka AMISOM iyo Hawl-galka Qaramada Midoobe lagu dacwayn karo sadaxdaan arrmimood oo aan soo tilmaamnay oo ay ku jiraan hantida maguurtada ah oo ay ku dagan yihiin sifo aan sharci ahayn, xubanaha kale ee AMISOM ee aan soo galaynin qeexitaanka qodobka 14aad ee Heshiiska VIENA ayagu kama dhowrsana in lagu oogo dacwad ciqaab ah iyo in lagu furo Dacwad madani ah iyo mid idaari ah inataba.
    4. XEERARKA DALKa MAXAY KA QABAAN IN LA DACWEEYO XUBNAHA HAWL-GALKA AMISOM IYO HAWL-GALKA QARAMADA MIDOOBE?
    Ugu horrayntii mabaad’ida waa wayn ee uu ku dhisan yahya Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed waxaa ka mid ah mabd’a dabeecada guud ee dabaqaadda Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo loola jeedo in Xeerka Ciqaabtu qabanaayo ama lagu dabaqaayo cid kasta oo ku xadgudubto hanoqdo muwaadin ama ajnabi dambiga haku galo dalka dibadiisa ama gudahiisa.Qodobka 3aad ee Xeerka Ciqaabtu waxuu jideynayaa in axkaamta Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ay qabanayso dhammaan muwaadiniinta iyo ajaanibta ku sugan dalka gudahiisa marka laga reebo haddii Xeer caalami ah ama xeer kale ee heer qaran ah oo sidaas si ka duwan jideeyo Fiiri farqada 1aad ee qodobka 3aad Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, sidoo kale farqada 2aad ee isla qodobkan waxay jidaynaysaa in Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed uu qabanaayo dhammaan muwaadiniinta iyo ajaanibta joogo dalka dibadiisa haddii laga reebo marka xeer caalami ah uu jideeyo sidaas si ka duwan.
    Waxaa kale oo in la tilmaamo mudan in qodobka 4aad ee Xeerka Habka Madaniga Soomaaliyeed uu ka hadlaayo goorta Maxkamadaha guduha ay gali karaan ama ay ka garnaqi karaan Dacwadaha Madaniga ah ee lidka ku ah shisheeyaha.
    Marka aan eegno qodobada aan soo tilmaanay ee ku jira Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo Xeerka Habka Madaniga waxaa noo soo baxaaya arrimahaan soo socda:
    ❖ In xubnaha AMISOM ee aan ahayn diblomaasiyiinta lagu oogi karo dacwad ciqaab ah sida ay jideeynayaan qodobada 3aad, 6aad, 7aad, 8aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyed oo lala aqriyay qodobka 14aad ee Heshiiska VIENA.
    ❖ In diblamaasiyiinta soo galaaya qeexitaanka qodobka 14aad ee heshiiska VIENA aan lagu oogi karin Dacwad Ciqaab ah si waafaqsan qodobka 31aad ee heshiiska VIENA iyo qodobka 3aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
    ❖ In xubnaha AMISOM ee aan diblomaasiyiinta ahayn lagu furi Dacwadaha madaniga ah ee Ku xusan qoddobka 4aad ee XHMS.
    ❖ In xubnaha AMISOM iyo Hawl-galka Qaramada Midoobe ee heer diblomaasi ah soona galaayo qeexitaan Qodobka 14aad ee heshiiska VIENA lagu furi karo dacwado madani ah oo ah kuwa lagu sheegay xarfaha A,B,C ee farqada 1aad ee qodobka 31 ee heshiiskaas oo meelaha qaar ka waafaqsan qodobka 4aad ee Xeerka Habka Madaniga Soomaaliyeed.
    5. Gaba-Gabo
    Ugu dambayntii waxaa muuqata in heshiisyada Dawladda Soomaaliya ay la gashay Midowga Africa ee khuseeya Hawl-galka Midowga Africa ee Soomaaliya iyo heshiiska ay la gashay Hawl-galka Qaramada Midoobe ay ka dhigan yihiin
    heshiisyo caalami ah maadaama lala galay hay’ado caalami ah iyo kuwa gobaleed oo ka mid ah shaqsiyaadka qaanuunka caalimaga ah hasayeeshee ay leeyhiin cillado fara badan oo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qoran:
    1. Heshiisyadan ma waafaqsano hannaanka lagu meel mariyo heshiisyada caalamiga ah ee ku qeexan heshiiska VIENA ee ku saabsan hanaanka meel marinta heshiisyada caalamiga ah.
    2. Hanaanka Dawladda Soomaaliya ay ugashay mawaafaqsano Qodbka 90aad ee Dastuurka Federaalka KMG.
    3. Labada heshiisba waxay ka soo horjeedaan axkaamta ku xusan qodobada 14aad iyo 31aad ee heshiiska VIENA ee xiriirada diblomaasiyada ee 1961 iyo sidoo kale shuruuc heer qaran ah oo ay ka mid yihiin qodobada 3aad, 6aad, 7aad, iyo 8aad ee xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
    4. Sidoo kale labadaan heshiis waxay ka soo horjeedaan xuquuqda aadanaha gaar ahaan xuquuqda aasaasiga ah ee la xiriirta garnaqsiga iyo Dacwadda ee ku xusan heshiiska caalamiga ee xuquuqda rayidka iyo siyaasadda, sidoo kalane labada heshiis waxay si toos ah uga soo horjeedaan qodobka 34aad ee Dastuurka Federaalka KMG.
    Sidaa awgeed Maxkamadaha Soomaaliya waxay awood u leeyihiin oo ay gali karaan dacwad kasta oo lid ku ah xubnaha AMISOM iyo UNSOM haddii laga reebo Dacwadaha si toos ah loogu sheegay in Maxkamaddaha galistooda looga reebay xeer caalami ah ama shuruucda gudaha.
    =Dhammaad=

Share This Post

Share on facebook
Share on twitter
Scroll to Top

Donation Form