Hordhac
Federaalku waa hannaan dawladeed oo awoodaha loogu qeybiyo heerarka kala duwan ee dawladeed ee kala ah heer federaal, heer Dawlad-Goboleed ama/iyo dawladaha hoose. Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee la ansixiyey bishii Agoosto 2012 waxa uu dhisay dawlad federaal ah oo mabaadi’deeda asaasiga ah ay ku dhisan yihiin mabaadi’da awood-qeybsiga Nidaamka Federaalka1. Hase yeeshee, Dastuurku ma siin mudnaantii iyo faahfaahintii Federaaleynta heerarka dawladda looga baahnaa, si cadna uma kala qeybin awoodaha heerarka kala duwan. Astaynta awoodaha waxaa dib loogu dhigay in heshiis siyaasadeed ay ka gaaraan hay’adaha fulinta ee heer federaal iyo heer Dawlad-Goboleed.
Nidaamka dawladeed ee dalku waa mid u qeybsan saddex laamood oo kala ah: laanta xeer-dejinta (Baarlamaan), laanta fulinta iyo laanta garsoorka. Laanta garsoorka ee dawaladaha federaalka ah waxa ay kaalin weyn ku leedahay qaabeynta isku dheellitirka awoodda Dawladda ee heerarka kala duwan, maadaama uu garsoorku ilaaliyo awoodaha dastuuriga ah ee loo qeybiyey heerarka dawladda, uuna difaaco xuquuqda muwaadiniinta uu dastuurku ilaaliyo. Dastuurka KMG ahi si kooban buu uga hadlay Federaaleynta Garsoorka sida ku cad qodobka 108. Waxaa la isku dayey dhowr jeer in laga heshiiyo dhismaha garsoor federaal ah sida Heshiiskii Jowhar ee 2018-kii, balse heshiiskaasi ma miradhalin.
Ujeeddada qoraalkan waa diyaarinta daraasad ku saabsan noocyada hannaanka federaal ee garsoor ee adduunka ka jira iyo kan ugu habboon garsoorka Soomaaliya iyada oo falanqeyn ku sameynaysa heshiiskii Jowhar iyo soojeeintii guddiyada dib- u-eegista Dastuurka KMG ah. Daraasaddani waxa ay soo bandhigaysaa taariikh kooban oo qeexaysa marxadalaha uu soo maray garsoorka iyo qaab-dhismeedka garsoorka dalka. Cilmibaaristaan waxa ay qeyb ka tahay dedaallada socda ee la rabo in lagu yagyeelo nidaam garsoor federaal ah oo awood u leh bixinta adeeg caddaaladeed oo loo simman yahay oo ay fulinayaan hawl-wadeenno leh aqoon, karti iyo hufnaan, oo aan lagu aqoon eex iyo musuqmaasuq.
AVV. BURHAAN AADAN CUMAR