CILMIBAARISYADA SHIRKA GARSOORKA 2024

Cilmibaaris Book – Garsoorka 24

HORDHAC:
Shirka Garsoorka waa shir sannadle ah oo la qabto sannad kasta marka uu
dhammaado si waafaqsan Qodobka 30aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka
ee 1962. Shirka waxaa ka soo qayb-gala dhamaan bahda garsoorka
Soomaaliyeed heer federaal iyo heer dowlad goboleed, waxaana lagu
gorfeeyaa xaaladaha garsoorka dalka. Shirka waxaa lagu soo bandhigaa
shaqada sannadkaas la qabtay, guulaha la gaaray, caqabadaha hortaagan
arrimaha garsoorka dalka iyo talo ku wajahan sida loo xalin lahaa.
Sidoo kale, shirka waxaa lagu soo bandhigaa cilmibaarisyo lagu falanqeeyo
doodaha sharci ee taagan iyo hadba caqabada haysta garsoorka iyo sidii
loo xalin lahaa. Buuggan hortiinna yaalla waxaa lagu soo bandhigayaa
cilmibaarisyo dhowr ah oo ka farcamay hal-kudhigga shirka oo ah “Kaalinta
Garsoorka ee Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa”.
Cilmibaarisyada lagu soo bandhigayo shirka garsoorka sannadkan waxa
ay ka kooban yihiin shan cilmi-baaris oo lafaguraya arrimo muhiim ah oo
ay ka mid yihiin:
• Kaalinmta Garsoorka ee Dowlada Wanaagga.
• Kaalinta Garsoorka ee Ilaainta Hantida Guud.
• Ilaalinta Madax-bannaanida Hay’adaha Garsoorka.
• U-sinaanta iyo Daah-furnaanta Qaadashada Shaqalada Dowladda.
• Baarista Dembiyada Maaliyadda.

 

Share This Post

Share on facebook
Share on twitter
Scroll to Top

Donation Form