FAALLO: Hindise sharciyeed sharciga hay’adda NISA

FAALLA KOOBAN:

 Hindise sharcyedka Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qarabka

 

Hay’adda Sirdoonku waxay u xil-saaran tahay uruurinta iyo falanqaynta xogaha sirta ah ee wax-tarka u leh amniga qaranka, ciidamada iyo ujeedooyinka siyaasadda dibadda ee dalka. Sooyaalka Sirdoonka ama nabadsugida Soomaaliyeed wuxuu soo maray heerar kala duwan, wixii ka horreeyay 1970 wuxuu ahaa qaybo gaara oo ka kala tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya  iyo Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan xafiiskii wardoonka ciidanka xoogga. 1970 ayaa laga dhigay  hay’ad madaxbannaan, waxaana lagu dhisay Xeer Lr.14 ee soo baxay 15 Febraayo 1970.

Kolkii ciidanku afgembiga kula wareegay taladii dalka, wuxuu soo saaray xeerar ay ka mid yihiin. Xeer L.1 ee 10/01/1970 oo lagu dhisay maxakamddii badbaadada, Xeer L. 13 ee 15/02/1970 oo lagu dhisay hay’addii nabadsugidda umadda(NSS), Xeer L. 64 ee 10/10/1970 oo lagu laalay Qod.66 XHC oo dhigayay siidaynta qofka sharci darro ku xiran(Habeas Corpus) iyo xeerar kale oo dhammaantood u adeegayay Taliskii ciidanka ee taladii dalka la wareegay.

Intii hay’addu jirtay waxay samaysay gaboodfallo aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin dilkii culumadii ka hortimid arrintii sinnaanta raga iyo dumarka ee lagu dhigay xeerkii qoyska ee dawladdii Ciidanka, dilal  iyo gaboodfallo kale oo loo geystay dad siyaasiyiin iyo indheergarad kale leh oo ka soo horjeeday taliskii ciidanka iyo gaboodfallo kale oo aad u badan.

1990 kolkii Jabhaduhu ku kaceen Dawaddii Ciidanka, waxay mucaaradkii la oran jiray Manifesto ay culays ku saareen Madaxweynihii dalka in uu baabi’iyo hay’adda NSS, Maxkamaddii Badbaadada, Hangashtii iyo ciidamo kale oo uu talisku samaystay, kuna caburin jiray dadka siyaasaddisia ka soo horjeeda[1], sidaas ayaana lagu baabi’iyay shaqadii hay’adda iyo tii maxkamadda badbaadada, walow aanan la ahayn xeer rasmi ah oo arrintaa lagu meelmariyay.

Kolkii dawladdi dhexe burburtay, waxaa isbeddel ku yimid magaci iyo shaqadi hay’adda, wuxuuna dastuurku ku magacaabay Nabadsugidda Qaranka. Waxaa haatan hay’adda loogu yeeraa hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka, hase yeeshee ma jiro sharci aqoonsan ama lagu dhisay hay’ad leh magacaas, sidaas darteed sharci ahaan ma jiri karto hay’ad iska abuumi karta, magac aanu sharcigu sienna la bixi karta.

Waxaa jira hindisesharciyeed lagu dhisayo hay’adda oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, haatanna horyaal Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed.

Haddaba, waxaan faallada kooban ku dul istaagaynaa daldaloollada iyo ceebaha uu leeyahay hindisesharciyeedkan iyo khataraha ka imaan karo haddii sida uu yahay lagu ansixiyo.

 

NSS VS NISA

 

Waxaan qaybtaan ku dul istaagaynaa waxyaabaha ay iskaga midka yihiin hay’addan cusub ee NISA iyo hay’addii hore NSS.

  1. NSS waxay ahayd hay’ad u adeegta danaha taliskii ciidanka ee xukunka dalka la wareegay, hawlaheeda ugu bandanna waxay ka fulinaysay gudaha dalka, waxayna lid ku ahaayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed. Si taas la mid kolka la eego shaqada NISA eek u qoran hindisesharciyeedkan waxaa u muuqdaan in ay u adeegayaan ama uu isku jimeeyay taliska hay’addu, hawsheeda ugu badanna ay la xiriirto amniga gudaha.
  2. Kolkii la aasaasay NSS waxaa la siiyay awoodi dheeri ah oo ay ku jiraan in ay amar maxkamadeed la’aantiis ay xiri karaa ciddii ay doonaan, waxaana meesha laga saaray Qod.66 XHC oo ogolaanayay in ciddii si sharci darro ah loo xiro ay u dacwoon kartay maxkamadaha rayidka oo awood u lahaa sii daynta qof kasta oo sifo sharci darro ah lagu xiro. Halka hindisesharciyeedkani uu dhigayo in hay’addu ay cid kasta soo xiri karto, iyada oo aan haysan ogolaanshiyo maxkamadeed isla markaasna ay haynkarto wax ka badan 48 saacadood(Qod. 38).
  3. Awoodda hay’adda NSS waxaa lagu uruuriyay ama la wada siiyay Taliyihii hay’adda oo ah taliyaha kaliya ee ay hay’addaasi yeelatay tan iyo intii jirtay; halka Hindisesharciyeedkan NISA oo awood taa la mid ah am aka ballaaran siinayo agaasimaha hay’adda, maadaama hay’addu yeelanayso hal taliye oo kaliya, awooddiisuna ay aad u badan tahay ama haddii aan si kale u dhigno in go’aan qaaqaadashadii oo dhan lagu koobay agaasimaha hay’adda.
  4. NSS waxay toos ugu gudbinaysay, go’aanna ka gaarayay cidda ay soo qabato Maxkamaddii Badbaadada, sida ku cad Qod. 6(2,3) ee Xeerr L.14/1970. Halka hindisesharciyeedkani uu siinayo NISA awooddaas mid u dhaw, maadaama aanu sharcigu si cad ama toos ah u tilmaamayn in ciddii ay soo qabato hay’addu ay u gudbinayso maxkamadaha rayidka(caadiga ah), kaliyana uu xeerku xusayo maxkaamdda awoodda u leh, taas oo aan la garanayn tan ay tahay, ma maxkamadda ciidamadaa? Waxaa muuqata in ujeedku yahay in la abuuro maxkamad gaar ah oo ka garnaqda dembiyada ay baarto hay’adda nabadsugiddu.
  5. NSS waxay awood u lahayd in ay baari karto goob kasta, xiri karto qof kasta, la wareegi karto hantida qofka la tuhmay; Halka NISA uu hindisesharciyeedkani siinayo isla awooddaas oo kale oo ah in ay baari karto goob kasta, xiri karto qof kasta, sidaas oo kale aysan jiri karin wax sirnimo ahaan looga qarin karo hay’adda.
  6. NSS xubnaheedu waxay lahaayeen xasaanad iyo awood xaddhaaf ah; halka hindise sharciyeedkani uu siinayo xubnaha NISA xasaanad iyo awood xad dhaaf ah oo weliba haddii lagu helo iyaga oo faldembiyeed gacmaha kula jiro(falagaranso) xiitaa aan la xiri karin, iyada oo aan ogolaashiyo laga haysan agaasimaha hay’adda.
  7. NSS waxay meesha ka saartay awooddii Booliska oo ahayd sugidda amniga gudaha; halka NISA lagu dhisayo hindise sharciyeedkani ay meesha ka saarayso awooddii hay’adaha booliska heer federaal iyo heer dawlad goboleed, maadaama awooddii baarista iyo horgaynta eedeysanaha la siiyay NISA, weliba aan la caddayn dembiyada ay baarayso oo ay awoodda gaarka ah u leedahay.

 

 

 

SU’AALO KALE OO IS WEYDIIN MUDAN

Waxaa intaa dheer in ay jiraan su’aalo kale oo ku gadaaman hindise sharciyeedkan oo u baahan ka ajwaabid, ayna ka mid yihiin:

  1. Magaca hay’addu ma mid ugub ahbaa oo haatan loogu waqlalayo hay’adda mise waa mid horey u jiray? Ma jiraa sharci lagu dhisay hay’ad la yiraa nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka oo horey u jiray?
  2. Muxuu ahaa sharciga ay NISA ku shaqaynaysa, maadaama aanu jirin sharci dalku leeyahay oo aqoonsan hay’ad la yiraa NISA?
  3. Yaa qaadaya mas’uuliyadihii ka dhashay xilalkii, tallaabooyinkii iyo howlihii ay qaban jirtay NISA muddadii ay shaqaynaysa?
  4. Hindise sharciyeedkani, ma wuxuu dhisay hay’ad cusub? Mise wuxuu wax-ka-beddelayaa hay’ad horey u jirtay oo sharci ku dhisanayd? Ama haddii aan si kale u dhigno ma wuxuu wax-ka-beddel ku samaynayaa sharci hore?
  5. Maxuu yahay farqiga u dhexeeya hay’adda & booliska, gaar ahaan marka la joogo baarista?
  6. Muxuu yahay garsoorka ama maxkamadaha lagu sheegay hindise sharciyeedkan? Ma garsoorka caadiga(rayidka) ahbaa? Ma garsoor ciidanbaa? Ma garsoor cusub oo la dhisayaa?
  7. Hawladeennada ama xubnaha hay’adduu maxay ugu duwan yihiin xubnaha kale ee ciidamada qalabka sida? Maxay tahay sababta xasaanadda loo siiyay? Xasaanad yaa bixiya? Ma dastuurka? Mise xeerarka?
  8. Xasaanadda xubnaha hay’adda maxay uga duwan tahay xubnaha kale ee ciidamada qalabka sida?

TALO SOOJEEDIN:

Waxaan talo ku soo jeedinayaa in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu il gaar ah ku eego hindise sharciyeedkan isla markaasna aanu ku degdegin ansixintiisa, maadaama uu u baahan yahay in wax-ka-beddel iyo toosin mugweyn lagu sameeyo.

Waxaa intaa dheer wuxuu saamayn ku yeelanayaa:

  • Xuquuqda iyo xoriyadda muwaadinka Soomaaliyeed.
  • Awoodaha hay’adaha kale ee amniga ka shaqeeya sida booliska heerarkiisa kala duwan iyo hay’adaha garsoorka dalka.
  • Wuxuu si cad uga hor imanayaa qodobbo badan oo ku jira Dastuurka KMG.
  • Wuxuu saamayn ku yeelanayaa ama si dadban wax uga beddelayaa qodobbo ku jira Xeerka Ciqaabta iyo Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed.
  • Wuxuu dhisayaa hay’ad awooddeedu uu sharciga ka sarreeyo, leh xasaanad ka ballaaran tan xubnaha xeerdejinta iyo garsoorka.

 

Wabillaahi-towfiiq

 

 

Qareen Sakariye I. Nuur

 

[1]https://www.hiiraan.com/op4/2022/sept/187791/the_nss_lacks_legal_base_to_exist_it_has_been_abolished_in_1990.aspx

Share

Scroll to Top

Donation Form