SOOYAALKA XEERKA XUKUUMADDA DALKA IYO WAX KA BEDDELADII LAGU SAMEEYAY
ARAAR:
Waxay daraasaddani soo bandhigaysaa xeerarkii iyo xeer-hoosaadyadii lagu nidaamin jiray Xukuumadihii Dalka laga soo billaabo 1950-kii oo ahayd markii wasaaya ahaanta loo hoos-geeyay Koofurta Soomaaliya maamulkii Talyaaniga ilaa xukuumaddii dhaxe ee Ciidanka.
Waxay daraasaddu si taariikhaysan oo taxana ah u soo gudbinaysaa xeerka nidaamka xukuumadda iyo wax ka beddeladdii lagu sameeyay-intii suurtagal ah ee la kari-karay-, waxay sidoo kale dul-mar guud ku samaynaysaa xeer-hoosaadyadii Golaha Wasiirada.
Waxay lafa-guraysaa wax ka beddelladii lagu sameeyay xeerka xukuumadda iyo waxyaabaha keenay, iyadoo ay raacayaan hoga-tusaalooyin lagu sharxayo wax ka beddelladaa inta aan ku guda jirno falanqeynta daraasadda.
Waxay ugu dambayn soo gudbinaysaa talo soo-jeedin wax ku ool ah oo ku aadan xeerka xukuumadda iyo sida aysan dowladnimadu uga maarmin
Waxay darasaddani ka kooban tahay araar, gogol-dhig, sooyaalka xeerka nidaamka xukuumadda, iyo wax ka beddeladii lagu sameynayay, duruufaha dhaliyay wax ka beddellada iyo casriyaynta, waxaana ugu dambeyn ku soo gunaanadaynaa talo soo-jeedin.
GOOGLE-DHIG
Dawladdu waxay ka kooban tahay saddex hay’adood oo kala ah sharci-dejinta, fulinta (xukuumadda) iyo Garsoorka.
Xukuumaddu waa hay’adda ugu sarreysa fulinta maamulka Dawladda, waxayna ka kooban tahay Wasiirka kowaad(Ra’sul Wasaare) iyo wasiirrada kale ee xubnaha ka ah xukuumadda, waxaana leysku yiraahda golaha wasiirrada.
Mabaadi’da guud ee xukuumadda waxaa nidaamiya Dastuurka oo ah sharciga ugu sarreeya dalka, waxay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurkaas.
Dastuurku ma faah-faahiyo qaab-dhismeedka xukuumadda ama Golaha Wasiirada, sidoo kale ma tilmaamo xilka, waajibaadka iyo howsha ay qabato wasaarad kasta oo ka mid ah xukuumadda.
Waxaa jira xeer nidaamiya qaab-dhismeedka, xilalka, waajibaadka, howlaha iyo awoodaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo Wasaaradaha xukuumadda iyo waaxyaha iyo qeybaha hoos yimaad.
Waxaa xeerkaas lagu magacaabaa xeerka nidaamka xukuumadda, wuxuu qeexaa, dhigaa, isla-markaana xaddidaa xilalka, waajibaadka, shaqada, awoodaha hay’adaha wasaaradaha, wasiirada iyo qeybahooda kala duwan ee Wasaaradda.
Wuxuu sidoo kale qaabeeyaa shaqooyinka hay’adaha hoos yimaad xukuumadda ee maamulka guud, sida waaxyaha wasaaradaha, wakaaladaha, shirkadaha ay xukuumaddu leedahay ama ay qeyb ku leedahay.
Wuxuu xeerkaasi xakameynayaa is-qabqabsiga xagga awoodda iyo shaqada ee ka dhax –dhasha Wasaaradaha. Haddii tirada wasaaradaha la kordhinayo ama la yaraynayo ama wax laga beddelayo waa in xeerka xukuumadda wax ka beddel lagu sameeyo, si looga fogaado khilaaf ka dhax-curta wasaaradaha oo la xiriira awoodda iyo shaqada, sidoo kale haddii wax ka beddel lagu sameeynayo qaab-dhismeedka wasaarad ama ama waax ka mid ah wasaarad lagu daro wasaarad kale waxaa lagama maarmaan ah in la soo saaro degreeto ama xeer lagu nidaaminayo wax ka beddelkaas.
Waxaa intaa dheer in xukuumaddu dejisan karto xeer-nidaamiyeyaal u gaar ah oo lagu dhaqo habraac-howleedka Golaha Wasiirada,sida guddoominta shirarka, go’aannada, guddiyada, ajendeyaasha, isugu yeeritaanka kulannada, wargelinnada, kooramka, minit-yada, doodaha, codaynta, diiwaan-gelinta go’aannada , ansax-marinnada iwm.
SOOYAALKA XEERKA NIDAAMKA XUKUUMADDA
Xilligii Wasaayada Qaramada Midoobay ee Talyaaniga(1950-1956)
Labaatan iyo Todobadii (27-dii) Janaayo 1950-kii ayay QM go’aamisay in Talyaanigu maamulo, xurnimana gaarsiiyo Koonfurta Soomaaliya muddo 10 sano(1950-1960).Waxaa fulinta howshaas ku kor-joogtaynayay Maamulka Talyaaniga gole la talin ah oo ka koobnaa waddamada Kolombiya, Indiya, Pakistan, Masar iyo Filibiin.
Tallaabadii ugu horreysay ee is-xukunka ee dhanka xeer-dejinta waxaa la qaaday dhammaadkii 1950-kii, kolkii maamulkii Wasaayada Talyaaniga(AFIS) uu dhisay Gole Deegaan(Territorial Council) oo ah hay’ad la talin ee uu magacaabay Maamulku, waxaana lagu dhisay Qaraarka tirsigiisu yahay. 144 ee 30-kii December 1950, wax ka beddel-kana lagula sameeyay Qaraar L.18 ee 20-kii October 1951, iyo wax ka beddelka kale ee Qaraar L.22 ee 21-dii July 1952[1].
Dowladdii Daakhiliga((1956-1960)
1956-dii Golihii Deegaanka wuxuu isu beddelay Gole Xeer-dejin oo la soo doorto, kana kooban lixdan(60) wakiil oo ka socday Soomaalida, Toban wakiil oo matalayay jaaliyadihii shishiiye ee degganaa Dalka oo ay ka mid ahaayeen Talyaaniga, Carabta, Hindida iyo Pakistan(fiiri Qaraarka tirsigiisu yahay 1 ee 5-tii Jannaayo 1956-dii).
Goluhu wuxuu lahaa awood xeer-dejin ballaaran, hase ahaatee u baahanayd ansixinta iyo ogolaashiyaha maamulkii wasaayada, waxaana doorashii ugu horreysay ee siyaasadeed la qabtay 29-kii Febaraayo 1956-dii.
30-kii April 1956-dii waxaa la daahfuray Golihii Baarlamaanka, ayadoo weli dalka ay maamulayaan Wasaayadii Qaramada Midoobay ee Talyaaniga.
2-dii May 1956-dii ayay Qaramada Midoobay waxay soo saartay qaraar dhigaya in isxukun daakhili ah la siiyo Soomaalida, ujeedkuna wuxuu ahaa in la soo saaro kaadiriin u carbisan maamulka iyo dowladnimada, si ay u hantaan mas’uuliyadda iyo xukunka dalka marka ay dhammaato muddadii 10-ka sano ahayd ee loo asteeyay gobanimada Dalka(1960).
Xukuumaddii Daakhilaga waxay lagu dhisay Xeerka Nidaamka L. 1 ee soo baxay 7-dii Maajo(May) 1956-dii.
Waxay ahayd Xukuumaddii ugu horreysay ee gayyiga Soomaalida ka curato, waxayna ka koobnaynd Ra’isul Wasaare iyo lix(6) Wasiir, oo magacawnaa Wasaaradaha kala ah: Arrimaha Gudaha; Arrimaha Bulshada; Arrimaha Dhaqaalaha; Arrimaha Maaliyadda iyo Arrimaha Guud[2].
Dabayqaadii 1959-kii oo ku beegnayd markii uu dhammaaday muddo xileedkii xukuumadda arrimaha gudaha ama daakhiliga, xornimadiina soo dhawaatay ayaa markale dib loo doortay muddo sanad ah Ra’isul Wasaare Cabdullaahi Ciise Maxamuud, isaguna wuxuu soo dhisay xukuumad ka kooban Sagaal Wasiir.
Wasaaradaha xukuumaddaasi waxay kala ahaayeen: Arrimaha Gudaha; Garsoorka; Maaliyadda; Warshadaha iyo Ganacsiga; Howlaha Guud iyo Isgaarsiinta; Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha; Waxbarashada; Caafimaadka; Adeegga Faya-dhowrka iyo Shaqada(Veterinary Services) iyo Arrimaha Guud(caamka).
Waxaa kaloo jiray Labo Wasiir oo aan lahayn Xafiisyo(ministry without portfolio), mid wuxuu ku magacawnaa Xiriirka Golaha Sharci-dejinta, halka kan kale uu ku magacownaa Dastuurka iyo xiriirka caalamiga.
Waxaana lagu dhaqayay xukuumadda degreetada tirsigeedu yahay78 ee soo baxday 18-kii May 1956, waxay degreetadaasi nidaaminaysay xilalka, waajibaadka iyo shaqada Wasaaradaha iyo qeybaha iyo waaxyaha ay ka kooban yihiin.
Gobanimadii Iyo Israacii Labada Gobol(Italian Somaliland iyo British Somaliland)
26-dii June 1960-kii waxaa xorriyaddoodii hantay gobolladdii woqooyi(Brtish Somaliland), halka maalmo kadib oo ku beegnaynd 1-dii Luuliyo 1960-kii ay gobolladii koonfureed ka xoroobeen gumaystihii Talyaaniga, labdii Gobolna ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Markii xoriyadda la qaatay 1960-kii, labadii Gobolna ay midoobeen, Baarlamaankii labada Gobol(Somalia iyo Somaliland) waxay Madaxweyne KMG ah -muddo hal sano ah- u doorteen Aaden Cabdulle Cusmaan, isaguna 6-dii July 1960-kii ayuu Ra’isul wasaare u doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke oo isaguna soo dhisay Golihiisii Wasiirada.
20-kii Juune 1961-dii ayaa afti loo qaaday Dastuurkii KMG ahaa, waxaa lagu meel-mariyay afti-dadwayne 20kii Juun 1961, waxaana HAA ugu codeeyey (90%) codadkii la tiriyay ee ay dhiibteen dadka soomaaliyeed.
11-kii July 1961-dii waxaa Madaxweyne rasmi ah loo doortay Aadan Cabdulle Cusmaan, wuxuuna markale Ra’iisul wasaare u magacaabay Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
27-dii July 1961-dii Gole Wasiirro ka kooban 11 ayuu Ra’isul Wasaarihii soo magacaabay, hase yeeshee waxaa ka dhashay is-qabqabsi ku salaysan awood qeybsiga beelaha, waxayna taasi keentay in Baarlamaankii uu laalo, wuxuuna mar kale soo magacaabay Gole Wasiiro (19/11/ 1962).
Xeerka Nidaamka Xukuumadda Iyo Wax Ka Beddelladii Lagu Sameeyay
Waxaa jiray xeerar iyo xeer-nidaamiyeyaal lagu dhaqo xukuumadda oo ay diyaariyeen dowladihii dalka soo maray, sidoo kale ay ansxiyeen Baarlamaanadoodii.
Xeerkii ugu horreeyay ee lagu nidaamiyo xukuumadda wuxuu ahaa Xeer L.14 ee soo baxay 3-dii June 1962-kii (Xeerka Nidaamka Xukuumadda).
Waxaa xeerkan diyaariyay Xukuumaddii waqtigaa dalka ka jirtay, waxaana ansixiyay Baarlamaankii Dalka, wuxuu ka koobnaa afar (4) Cutub iyo labaatan iyo shan(25) Qodob.
Wuxuu nidaaminayay xilalka, waajibaadka iyo awoodaha hay’adda fulinta, wuxuu dejinayay qaab-dhismeedka iyo haykalka xukuumadda iyo Golaha Wasiirrada, wuxuu astaynayay waajibaadka iyo awoodda Wasaarad kasta, wuxuu sidoo kale nidaaminayay qeybaha iyo waaxyaha ay ka kooban tahay wasaarada kasta isagoo u dejinayay shaqo-howloodkeeda.
Qod. 10aad ee Xeerku wuxuu tilmaamayay tirada wasaaradaha xukuumadda oo uu ka dhigay 11 Wasaaradood oo kala ah:Wasaaradda Arrimaha Dibadda; Gudaha; Garsoorka; Gaashaan-dhigga; Warfaafinta; Maaliyadda; Caafimaadka, fayo-dhowrka iyo Shaqada; Waxbarashada; Howlaha Guud iyo Isgaarsiinta; Warshada iyo Ganacsiga iyo Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha.
Xeerka Nidaamka Xukuumadda waxaa wax ka beddel lagu sameeyay dhowr jeer, sababtuna waxay ahayd markasta oo is-beddel ku yimaad Wasaaradaha ,Waaxyaha ama Qeybaha Wasaaradaha waxaa loo baahanaa in la sharciyeeyo is-beddelkaas.
Waxaa sharciyayntaas saldhig u ahaa in kolka hore lagu meel-mariyo degreeto Madaxweyne, kadibna loo gudbiyo Baarlamaanka si uu ansixiyo, dabadeedna uu, Madaxweynuhu saxiixo, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah, sidaasna uu ku noqdo sharci.
Haddaba waxaa halkaan ku soo gudbinaynaa wax ka beddeladii lagu sameeyay xeerka nidamaka xukuumadda intii aan heli karay- ee muddadii u dhaxaysay 1960-1982-dii.
- 1965-tii ayaa wax ka beddel lagu sameeyay 1-4, 7-10, 12, 14, 16, 17, 19 iyo 21 ee Xeerka, sida ku cad Degreetada Madaxweyne ee tirsigeedu yahay 1 ee soo baxday 7-dii February 1965-tii.
- Isla sanadkaas ayaa degreetadii Madaxweynaha loo beddelay sharci, sida ku cad Xeerka tirsigiisu yahay 4 ee soo baxday 1-dii June 1965-tii.
- Haddana 1966-dii ayaa wax ka beddel lagu sameeyay sida ku cad Xeerka tirsigiisu yahay10 ee soo baxay 11-kii August, 1966-dii.
- 1967-dii ayaa wax ka beddel lagu sameeyay, sida ku cad Degreeto L.4 ee 24-tii September 1967-dii.
- Isla sanadkaas ayaa Degreetadii Madaxweynaha loo beddelay sharci, sida ku cad Xeer L.24 ee soo baxay 11-kii December 1967.
- 1969-kii ayaa haddana wax ka beddel lagu sameeyay Xeerka, sida ku cad Degreeto L8 ee soo baxday 24-tii May 1969-kii, kadibna loo beddelay sharci, sida ku cad Xeer L.16 ee soo baxay 24-tii June 1969.
- 1970-kii ayaa wax ka beddel lagu sameeyay xeerka, sida ku cad Xeer L.48 ee soo baxay 18-kii August 1970.
- 1970-kii waxaa soo baxday Degreetada Madaxweyne ee tirsigeedu yahay 261 ee soo baxday 15-kii November 1970, taasoo la lagu dhisay Wasaaradda Macdanta.
- 1970-kii waxaa soo baxay degreetada Madaxweyne ee Lambarkeedu yahay 262 ee ku taariikhaysan 15-kii November 1970, lagu dhisayay Wasaaradda Qorshaynta iyo Isku-duwidda (Ministry of Planning and Coordination).
- Waxaa sidoo kale soo baxday Degreetada Madaxweyne ee tirsigeedu yahay 263 ee ku taariikhaysan 20-kii November 1970 ayaa lagu dhisay Wasaaradda Horumarinta Reer Miyyiga iyo
- 1971-dii ayaa misana wax ka beddel lagu sameeyay xeerka, sida ku cad Degreetada Madaxweyne ee tirsigeedu yahay 21 ee soo baxday 15-kii Maarso1971.
- 1973-dii waxaa soo baxay Xeerka Madaxweynaha ee tirsigiisu yahay 72 ee soo baxay 5-tii Luuliyo 1973-dii ee lagu dhisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.
- 1982-dii waxaa soo baxay Xeer L. 3 ee soo baxay 29/04/1982, kaasoo lagu dhisay Wasaaradda Horumarinta Dooxada Jubba.
- Degreetada Madaxweyne ee tirsigeedu yahay 242 ee soo baxday 11-kii December 1967-dii ayaa lagu soo saaray xeer-hoosaadka golaha wasiirrada.
Waxyaabaha Keenay Wax Ka Beddellada Badan Ee Xeerka L. 14/1962
Waxaa jira dhow arrimood oo is-biirsaday oo sababay in wax ka beddello kala duwan lagu sameeyo xeerka nidaamka xukuumadda, waxaana ugu muhiimsan kuwa soo socdo:
- Haddii isbeddel lagu sameeyo qaab-shaqeedka ama waajibaadka xukuumadda ama wasaaradaha, waxaa lagama maarman ahayd in xeerai dib loogu noqdo wax ka beddel la jaan-qaadi karo arrintaasna lagu sameeyo qodobadiisa qaar. Tusaale waxaan u soo qaadan karnaa degreetada Madaxweyne ee tirsigeedu yahay 4 ee soo baxday 1-dii June 1965-tii ee wax ka beddel ku samaysay Qod.1-4, 7-10, 12, 14, 16, 17, 19 iyo 21 ee Xeer L. 14/1962-dii, sababtuna waxay ahayd in qodobka 1aad ee Xeerka hore dhigayay in Wasiir kastaa uu yeelanayo ama maamulayo Wasaarad, hase yeeshee wax ka beddelka lagu sameeyay qodobka ayaa dhigaya in ay jirayaan wasiiro aan xafiisyo lahayn(ministers of state without portfolio ).
- Haddii tirada Wasaaradaha wax laga beddelo, sida haddii la kordhiyo ama la yareeyo, waxaan tusaale u soo qaadan karnaa Qod.10aad Xeer L. 14/1962, sababta keentay in qodobkaas wax ka beddel lagu sameeyo ayaa ahayd in tiradii golaha wasiirrada laga dhigay 12, halkii ay markii hore ka ahaayeen 11.
- Haddii Wasaarad cusub oo aan horay u jirin lagu soo daro xukumadda waxaa lagama maarmaan ah in xeerka wax ka beddel lagu sameeyo, waxaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa Degreetada Madaxweyne ee tirsigeedu yahay 261 ee soo baxday 15-kii November 1970 , taasoo la lagu dhisay Wasaaradda Macdanta iyo tan tirsigeedu yahay. 3 ee soo baxay 29/04/1982, ee lagu dhisayay Wasaaradda Horumarinta Dooxada Jubba.
- Haddii Waax ka mid ah Wasaarad loo beddelo Wasaarad kale. Waxaan tusaale ahaan u soo qadaan karnaa Degreetada Madaxweyne ee tirsigeedu yahay 21 ee soo baxday 15-kii Maarso1971, sababtuna waxay ahayd in laga soo raray waaxda ilaha biyaha ee Wasaaradda Howlaha Guud laguna daray Wasaaradda
TALO SOO-JEEDIN:
- In Xukuumadda hadda jirta iyo kuwa imaan doonaba ay ku dhaqmaan Xeerka Nidaamka Xukuumadda.
- In xeerka hore iyo wax ka beddeladii lagu sameeyay lagu sii dhaqmo intii la jaan-qaadi karto nidaamka dalka, haddii laga fursan waayana wax ka beddel lagu sameeyo.
- In si looga baaqsado is-qabqabsiga iyo khilfaadka howl iyo awood ee ka dhax-dhasha Wasaaradaha la sameeyo xeer lagu nidaamiyo xukuumadda oo dhamaystiran, iyadoo raad-raac laga dhigayo sooyaalka xeer ee lagu dhiqi jiray xukuumadaha ee aan soo tilmaanay.
- In marka la magacaabayo xukuumad cusub oo ka kooban wasaarado aan ku jirin xeerka xukuumadda ama wax ka beddelkiisa, lagu soo saaro degreeto Madaxweyne si ay sharciyad u yeelato, kadibna loo gudbiyo Baarlamaanka si ay sharci u noqoto degreetadaas.
- In cilmi-baaris iyo daraasad lagu sameeyo xeerarkii lagu nidaamin jiray xukuumadda, wakaaladihiii, hay’adihii iyo shirkadihii hoos imaan jiray xukuumadda ama ay dhinaca ka ahayd, sidoo kale dib loo nooleeyo, wax ka beddel iyo casriyayna lagu sameeyo xeerarkoodii, si ay ula fal-galaan nidaamka dowladeed ee dalka.
RAAD-RAAC:
- The Legal System of the Somali Democratic Republic, Haji N.A. Noor Mohammed, 1972, Virginia-USA.
- Dastuurkii Soomaaliya ee 1961.
- Somalia: the untold history (1941-1969), Mohamed Turunji, 2015.
- Soomaaliya:war helaa-tala-hela(qaamuuska siyaasiga da’da yar), Mariam Cariif Qaasim Muqdisho-2019.
- The Somali constitution: the development of the Constitution of the Somali Republic, Dr.Haji N.A. Noor Mohammad, Mogadishu, 1969.
- The electoral legislation of Somalia 1953-1969; 1956: un-official translation by United Nations Electoral Assistance Division.
- Taariikhda Soomaalida: xog-ogaalnimo u badan, Jaamac Maxamed Qaalib, Muqdisho-2020.
- https://antifederalismblog.wordpress.com/taariikhda-dastuurkii-60kii-wixii-uu-ka-yiri-nidaamka-federaalka-iyo-midaynta-dhulalka-soomaaliyeed/
- https://www.radiomuqdisho.net/taxanaha-taariikhda-doorashooyinka-soomaaliya-1959kii-2012-qeybta-1aad-akhriso/
- https://maqaallo4.rssing.com/chan-57832692/all_p2.html
- https://www.hiiraan.com/op4/2016/nov/128925/doorashooyinkii_dalka_ee_xiliyadii_gobanimada.aspx
- https://uca.edu/politicalscience/dadm-project/sub-saharan-africa-region/somalia-1960-present/
- https://digitalcommons.macalester.edu/cgi/viewcontent.cgi?referer=https://www.google.com/&httpsredir=1&article=1012&context=bildhaan.
W/D: Qareen Zakariye I. Nuur