FAALLADA QODOBADA 90 (E), 97 (3) IYO 100 (B) EE DASTUURKA KMG

FAALLADA QODOBADA 90 (E), 97 (3) IYO 100 (B) EE DASTUURKA KMG

I. Gogoldhig

Soomaaliya waa dal ka soo kabanaya colaado iyo khilaafaad daba dheeraaday, dowlad-nimadiisuna ay ku jirto socod barad iyo kufoo dhac. Waxaa weli jira khilaaf ku salaysan sedburisi iyo loollan qabali ah oo marar qaar kaalin ka cayaaro khilaafka Madaxweynaha iyo R/wasaaraha.

Dastuurka loo dejiyay dalku waa mid falsafaddiisu ku dhisan tahay awood wadaag, isu-dheeli-tirnaan xagga awoodaha, ujeedkuna waa in laga fogaado in koox gaar ah ama qolo gooni ah ay xukunka la wareegto ama ay muquuniso qeybaha kale.

Taasina waa sababta uu dastuurku qabyada u yahay isla-markaana aanu u kala qeexayn awoodaha hay’adaha dowladda, isqab-qabsiga awoodeedna uu marka kasta u dhasho. Waxaa intaa dheer in aysan jirin Maxkamaddii Dastuurka ee awoodda u lahayd fasiraadda qodobada Dastuurka.

Sidaas awgeeg loollan awoodda ee labada xafiis waa mid soo jireen ah oo ay horey uga doodeen sharciyaqaannada soomaaliyeed.

Waxaa markii ugu horreysay looga dooday shirkii Carta ee Jabuuti. Guddigii soo diyaariyay Axiga KMG 2000, waxay soo bandhigeen in loogu noqdo arrimaha isqabsiga xubnaha dowladda gaar ahaan M/weynaha iyo R/wasaaraha Dastuurkii 1960, maadaama uu si qeexan u kala saarayo awoodaha xubnahaas.

Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-Eegidda iyo Hilgelinta Dastuurka iyo Guddii La Socodka ee Baarlamaankii 9aad ayaa iyaguna soo diyaariyeen sagaal(9) Xulasho oo ay ku lafa-gurayeen qaab-dhismeedka dowladeed ee ku haboon Soomaaliya.

Waxay sidoo kale guddiyadu si caaqibo leh xil iskaga saareen xalka khilaafka soo noqnoqday eek u aadan awoodaha M/weynaha iyo R/wasaaraha, sida ku cad qabyo-qoraalka dastuurka ay u gudbiyeen Baarlamaanka 10aad, si uu uga doodo, una ansixiyo, hayeeshee ma’aanay suurtagelin in laga doodo ama ansixiyo middoodna.

Haddaba waxaa qoraalkaan gaaban ku gorfaynaynaa qodobada dastuurka ee khilaafka iyo ismaandhaafku ka taagan yihiin. Waxaan si gaar ah uga faalloonaynaa Qod.90 (e), Qod.97 (3) iyo Qod.100 (b) ee Dastuurka KMG oo dhammaantood xeerinaya awoodaha M/weynaha iyo tan R/wasaaraha ee ku aadan magacaabidda iyo xil ka qaadidda xubnaha wasiirrada iyo saraakiisha sare ee dowladda.

Waxaan sidoo kale ku qaadaa dhigaynaa doodaha iyo aragtiyada sharci-yaqaannada ee ku saabsan mas’alada, annagoo faaqidaaad, kafagur, isbar-bardhig iyo naqdin ku samayn doonna doodaha iyo aragtiyada aan tilmaanay, kadibna ku ebyeenno gunaanad iyo talo soo jeedin.

II. Saldhigga khilaafka

Biya-dhaca iyo guri-dhigga khilaafku waa awoodda dastuuriga ee M/weynaha iyo R/wasaaraha ee ku xusan Qod.90 (e), 97 (3), 99(g) iyo 100 (b) Dastuurka KMG.

1. 90aad ee Dastuurka KMG ayaa ka hadlaya awoodda iyo xilka Madaxweynaha.

  • Faqradda “e” waxay dhigaysaa inM/weynuhu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawlayaasha iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.
  • Halka Faqradda “k” ee Qod.90aad ee Dastuurku ay jideynayso in M/weynuhu magacaabayo jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo Madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu

2. 97/3aad waxay jidaynaysaa awoodda R/wasaaraha, wuxuuna u dhigan yahay sidan:

  • Ra’iisul-wasaarahu wuxuu magacaabayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenno, wasiirro, wasiirro-Dawlayaal iyo wasiirro-ku-xigeeno”.
  • 100, faqraddiisa “b” ayaa dhigaysa in R/wasaaruhu magacaabayo, xilkana ka qaadayo xubnaha Golaha Wasiirrada.
  • 99aad (g) waxay dhigaysaa in Golaha Wasiirradu leeyihiin magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda saraakiisha Sare ee Dawladda.

3. Nuxurka qodobadaasi waxay ku uruurayaan labo arrimood oo kala ah: a) awoodda magacaabidda iyo xil ka qaadidda xubnaha wasiirrada iyo b) awoodda magacaabidda iyo xil ka qaadidda saraakisha sare ee dowladda.

4. Waxay dooddu ka taagan tahay cidda leh awooddaas:

  • Ma M/weynaha ayaa leh? Mise R/wasaaraha? Mise waa awood wadaag ah?
  • Axkaamta qodobadaas, ma laysla akhrinayaa? Mise axkaamta mid kastaahi iskeed ayay u taagan tahay?
  • Yaa leh awoodda magacaabidda iyo xil qaadidda saraakisha sare ee dowladda? Ma Golaha Wasiirrada? Ma R/wasaaraha? Mise M/weynaha?

 

III. Falanqeynta iyo gorfeynta Qod. 90 (e)(k), 97 (3), 99(g) 100 (b) ee Dastuurka KMG

Sidaan, haddaba, meel hore ku soo sheegay, gunta khilaafka labada xafiis ee M/waynaha iyo R/wasaaraha waxaa saldhig u ah qodobada dastuurka ee xeerinaya awoodahooda.

Haddaba, waxaan halkaan ku gorfeynaynaa qodob kasta oo ka mid ah kuwa sare ku xusan, anagoo isbar-bardhig, faalleyn iyo falanqayn ku samayn doonna. Aan ku bilowno:

A) Awoodda magacaabidda iyo xil ka qaadidda Saraakiisha Sare iyo madaxda dowladda federaalka

Inta aanan guda-gelin falanqeynta, waa in aan marka hore qeexno sarkaal iyo madaxda hay’adaha dowladda. Maxaa lagu qeexi karaa sarkaal?

  • Sida uu dhigayo Qod. 1aad ee Sharci L. 11/2006 ee 5/12/2006, Sarkaal: waxaa loola jeedaa madax hay’ad dawladeed oo sharci lagu dhisay hase yeeshee aan wasaaradna hoos imaanin.
  • 240 XC ayaa isna qeexaya sarkaal guud: “Qofkasta oo si joogto ah ama si waqtiyaysan oo mushaar, gunno ama abaalgud ama tabaruc ama waajib saran dartii u gudanaya hawl guud oo xeer-dejineed, maamul ama garsoor ama danta qaranka ah ama hay’ad kale oo dawladeed”.
  • Madaxa Hay’adda: waxa loola jeedaa: (b) Madaxweynaha Jamhuriyadda; (t) R’iisalwasaaraha Xukuumadda; (j) Wasiir wasaarad qaabilsan (fiiri qodobka 1aad ee sharci L.11/2006). Waxay noqon karaan madaxda guddiyada iyo xafiisyada madaxabannaan, madaxda ciidamada, madaxda hay’adaha kale ee rayidka ah, sida hay’adda duulista rayidka, hay’adda diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha soomaaliyeed, dowladda hoose, hay’adda socodaalka iyo jinsiyadaha, xarunta warbixinta maaliyadda ikk.
  • Saraakiisha halkaan looga hadlayo waa kuwa rayidka ah, kumana jiraan saraakiisha ciidanka qeybihiisa kala duwan.

2. Haddaba su’aashu waxay tahay: yaa leh awoodda magacaabidda iyo xil ka qaadidda saraakiisha sare iyo madaxda hay’adaha dowladda? Ma M/weynaha? Ma R/wasaaraha? Ma Golaha Wasiirrada?

2.1. 90aad (e) waxaa ku cad in Madaxweynahu magacaabayo jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu.

  • Saraakiisha sare ee Dowladda Federaalka (senior Federal Government officials) waxaa loola jeeda madax hay’ad dowladeed oo sharci lagu dhisay, hase yeeshee aan hoos tagayn wasaarad. Waxay ka mid noqon kara qeybaha kala duwan ee saraakiisha sare ee dowladda federaalka ee rayidka ah oo uu ku jiri karo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  • 117aad ee Dastuurka ayaa qeexaya magacaabidda saraakiisha darajooyinka sare. “Hawlwadeennada iyo Saraakiisaha darajooyinka sare ee Dawladda uu sharcigu tilmaamo waxaa magacaabaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ka dib markuu arko soo jeedinta Golaha Wasiirrada”.
  • Madaxda Hey’adahaDawladda Federaalka (heads of the Federal Government Institutions) waxaa soo hoos-geli kara R/wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo guddiyada iyo xafiisyada madaxabannaan.
  • Sida aan ogsoonahay hay’adaha kala duwan ee dowladda, sida wakaaladaha, guddiyada, xafiisyada iyo guddoomiyayaasha Maxkamadaha iyo hay’ado kale waxaa meel-mariya Madaxweynaha marka ay soo jeediyaan hay’adaha shaqada ku leh ama awoodda soo jeedinta leh.
  • Magacaabidda M/weynaha waxaa ku xiran shardi ah in ay soo jeediyaan Golaha Wasiirrada. Waxaa kale oo aan ku caddeyn axkaamta farqadda “k” cidda leh xil ka qaadista saraakiisha sare ee dowladda federaalka soomaaliya.

2.2. 99aad ee DKMG waxa uu ka hadlaya xilalka Golaha Wasiirada. Xarafka “g” ee qodobkaasi wixii dhigaysaa in Golaha Wasiirradu ay leeyihiin Magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda saraakiisha sare ee Dawladda.

  • Faqraddu waxay si gaar ah uga hadlaysaa magacaabidda iyo xil ka qaadidda saraakiisha sare ee dowladda. Waxaa muuqata in farqadda “g” ee qodobka 99aad ay ka hor imaanayso faqradda “e” ee qodobka 90aad ee Dastuurka KMG.
  • Waxaa si cad looga fahmayaa axkaamta qodobkan in R/wasaasruhu aanu awood gaar ah u lahayn magacaabidda iyo xil ka qaadidda saraakiisha sare ee dowladda, waxaana awooddaas la siiyay Golaha Wasiirrada (Responsibilities of the Council of Ministers) oo uu ka mid yahay R/wasaaraha.
  • Haddaba, marka meel la iska dhigo doodda ku saabsan in M/weynuhu leeyahay awoodda magacaabidda iyo xil ka qaadidda saraakiisha sare, waxa uu qodobkani si shaki la’aan ah meesha uga saarayaa awoodda R/wasaaraha, wuxuuna awooddaas siinayaa Golaha Wasiirrada oo uu R/wasaaruhu xubinta ka yahay.
  • Sidaasi darteed, magacaabis kasta ama xil ka qaadis kasta oo uu ku sameeryo sameeyo R/wasaaruhu saraakiisha sare, waxay noqonaysaa mid ka hor imaanaysa axkaamta qodobka 99(k) ee DKMG.

     2.3. Isbar-bardhigidda iyo is-waafajinta qodobada 90(e) iyo 99(k) ee KMG

2.3.1. Faqradda (k) ee Qod.90aad waxay tilmaamaysaa magacaabista jagooyinka sare ee xukuumadda federaalka soomaaliya, sidoo kale madaxda hay’adaha dowladda federaalka soomaaliya. Halka nuqulka Ingriisigu uu tilmaamayo magacaabidda saraakiisha sare ee xukuumadda (Appoint senior Federal Government officials and the heads of the Federal Government Institutions on the recommendation of the Council of Ministers).

  • Haddii aan qaadanno nuqulka soomaaliga waxaa cad in dhammaan jagooyinka sare ee xukuumadda uu magacaabayo M/weynaha, jagadaasi ha noqoto tan R/wasaaraha, Wasiirrada iyo Wasiir-ku-xigeennada. Hase ahaatee, marka la eego nuqulka Ingriisiga waxay noqonaysaa magacaabis saraakiisha sare ee xukuumadda federaalka soomaaliya oo tafsiirkooda loo raacayo macnaha ku xusan Qod.1aad ee Sharciga Shaqaalaha Rayidka iyo Qod.240 XC ee aan sare ku sheegnay.
  • Madaxda hay’adaha Dowladda Federaalka waxaa ka mid noqon karaan madaxda guddiyada iyo xafiisyada madaxabannaan, madaxda ciidamada, madaxda hay’adaha kale ee rayidka ah, sida hay’adda duulista rayidka, hay’adda diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha soomaaliyeed, dowladda hoose, hay’adda socodaalka iyo jinsiyadaha, xarunta warbixinta maaliyadda ikk. Dhammaan hay’adahaas waxaa soo jeediya Golaha Wasiirrada, waxaana meel-mariya Madaxweynaha.
  • Sidaasi awgeed, saraakiisha sare iyo madaxda hay’adaha ee lagu sheegay Qod.90 (k) DKMG waa kuwa aan sare ku sheegnay, waxaana aalaa soo jeediyo Golaha Wasiirrada, sida Golaha Adeegga Garsoorku u soo jeedsho Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka, Maxkamadda Sare iyo garsoorayaasha kale ee heer federal.

2.3.2. Xarafka “g” ee Qod.99aad DKMG waxaa ku cad in Golaha Wasiirradu magacaabayaan, xilkana ka qaadayaan saraakiisha sare ee dowladda. Haddaba axkaamta labada qodob waa la midayn karaa, sababaha soo socda dartood:

  • 90 (k) DKMG waxaa ayyidaya Qod. 117aad ee isla Dastuurka oo ka hadlaya magacaabista saraakiisha darajooyinka sare. Wuxuuna u dhigan yahay sidan: “Hawlwadeennada iyo Saraakiisaha darajooyinka sare ee Dawladda uu sharcigu tilmaamo waxaa magacaabaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ka dib markuu arko soo jeedinta Golaha Wasiirrada”.
  • Haddaba, saraakiisha sare ee lagu sheegay Qod.99(g) ee DKMG waa isla kuwa lagu sheegay Qod.117aad ee isla Dastuurka, waxaana soo jeedintooda leh Golaha Wasiirrada, halka magacaabidda uu leeyahay Madaxweynaha JFS, sida ku cad Qod.90(k) iyo Qod.117 ee Dastuurka KMG.
  • Maadaama uu jiro qodobka ayyidayo qodobka 90(k) ee DKMG, si cadna u sheegayo in Golaha Wasiirradu ay leeyihiin soo jeedinta, halka Madaxweynuhu uu yeelanayo magacaabista. Waxaan raacaynaa mabda’a isla-falgalka qodobada Dastuurka ee dhigaya in marka axkaamta labo qodob oo dastuurka ka mid ah ay iska hor yimaadaan oo aanay isla fal-geli karin, ay suurtagal noqon karto in la is-waafajiyo, si ay macno iyo nuxur midaysan u yeeshaan.
  • Waxaa jira sooyaal Dastuur, Axdi iyo Xeerar oo uu dalku yeeshay, kuwaa oo dhammaantood tilmaamaya in Golaha Wasiirradu ay leeyihiin soo jeedinta, halka Madaxweynuhu uu yeelanayo magacaabidda[1].

 

     2.4. Guntii iyo gunaanadka doodda:

  • In Golaha Wasiirradu ay soo jeedinayaan magacaabidda iyo xil ka qaadidda saraakiisha sare ee Dowladda, madaxweynuhunu uu magacaabayo, isagoo tixgelinaya soo jeedinta Golaha Wasiirrada, sida uu jidaynayo Qod.117aad ee isla Dastuurka KMG.
  • In madaxda hay’adaha dowladda federaalka uu magacaabayo, xilkana ka qaadayo Madaxweynaha markuu helo soo jeedinta Golaha Wasiirrada.
  • In Qod.99 (g) DKMG aanu ka hadlayn magacaabista iyo xil ka qaadista Madaxda hay’adaha dowladda Federaalka balse uu ka hadlayo axkaamta ku saabsan magacaabidda saraakiisha sare ee dowladda.
  • In axkaamta labada qodob (90/k, 99/g) DKMG la isla akhrinayo, laguna midaynayo in Golaha Wasiirradu leeyihiin soo jeedinta, M/weynuhu magacaabidda.
  • In R/wasaaruhu aanu keligiis lahayn magacaabista ama xil ka qaadista saraakiisha sare ee xukuumadda ama madaxda hay’adaha dowladda Federaalka.

 

B) Awoodda magacaabidda iyo xil ka qaadidda xubnaha Golaha Wasiirrada

Waxay dooddani daaran tahay cidda leh awoodda iyo xilka magacaabidda iyo xil ka qaadidda xubnaha wasiirrada:

  • Ma R/wasaaraha ayaa leh? Mise M/weynaha? Mise waa awood wadaag ah?
  • Axkaamta qodobadaas, ma laysla akhrinayaa? Ma la is waafajinayaa oo waa laysla akhrinayaa axkaamta qodobada? Msie waa la kala akhrinaya?

Waxaa jirta laba doodood oo iska soo horjeeda oo ay midi qabto in R/wasaaraha oo keliya oo leeyahay awoodda iyo xilka ku aadan magacaabidda iyo xil ka qaadista xubnaha wasiirrada.

Waxaa taas lid ku ah dood kale oo qabta in R/wasaaruhu leeyahay soo jeedinta, hase yeeshee M/weynuhu leeyahay magacaabidda iyo xilka qaadista, isagoo tixgelinayo soo jeedinta R/wasaaraha.

Labada doodood waxay la kala safteen qodobada dastuurka ee nidaaminaya axkaamta arrintaas, iyadoo dhinac kastaa uu ku tabantaabinayo dooddiisa iyo aragtidiisa isla qodobada dastuurka ee la isku khilaafsan yahay.

i. Aragtida iyo doodda qabta in R/wasaaruhu leeyahay awoodda magacaabidda iyo xil ka qaadidda xubnaha wasiirrada

Waxay aragtidaani ku doodaysaa in axkaamta Qod.97/3aad iyo Qod.100 (b) ee Dastuurka KMG ay qeexan yihiin isla-markaan aan loo baahnayn in lala akhriyo qodobo kale ama la waafjiyo, sababaha soo socda dartood:

  • 97/3aad waxay si cad u dhigaysaa in R/wasaaruhu magacaabayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenno, wasiirro, wasiirro-Dawlayaal iyo wasiirro-ku-xigeeno”.
  • Halka 100 (b) DKMG uu R/wasaaraha si cad u siinayo awoodda magacaabidda iyo xil ka qaadidda xubnaha Golaha Wsaiirrada, Taasina waxay caddaynaysaa:

– In Qod.100aad uu si gaar ah uga hadlayo awoodda iyo xilka R/wasaaraha, mudnaantana ka leeyahay Qod.90aad ee                               Dastuurka ee ka horreeya oo xeerinaya awoodda M/weynaha.

-In awoodda magacaabidda iyo xil ka qaadidda aan lagu xirin wax shuruud ah oo dabraya ama xaddidaya.

  • In ay jiraan caadooyin iyo dhaqanno soo jireen ah oo dhigaysa in awoodda magacaabidda iyo xil ka qaadidda xubnaha golaha wasiirrada uu lahaan jiray R/wasaaraha, taasina noqonayso caado loo fasirtay in ay dastuurka waafaqsan tahay.
  • Awoodda M/weynaha ee ku xusan Qod. 90(e) ee DKMG, waxaa ku xiran shardi ah in marka hore loo soo jeediyo, sidaasi darteed-na, haddii aan loo soo jeedinna aan loo baahnayn.

         ii. Aragtida iyo doodda qabtaa in la’isla aqriyo, lana mideeyo Qodobada

Waxay aragtidaani qabtaa in la isla aqriyo axkaamta qodobada, dabadeedna la is-waafajiyo, si loo mideeyo. Nuxurka dooddaan ama aragtidaan waxay ku soo uruuraysaa sida soo socota:

  • In faqradda “e” ee Qod. 90aad ee DKMG ay si cad u qeexayso in Madaxweynuhu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.
  • In labada farqadood ee labada qodob ee ka hadlaya awoodda M/weynaha iyo tan R/wasaaraha la isla aqrinayo isla-markaana lays waafajinayo, maadaama ay labaduba ku xusan yihiin Dastuurka.
  • In faqradda “e” ee Qod.90aad aanay macno la’aan ugu jirin Dastuurka, sidaasi awgeedna ay lama huraan tahay in lala mataaneeyo Qod.100 (b) ee isla Dastuurka.
  • In asal ahaanM/weynuhu leeyahay awoodda magacaabidda R/wasaaraha, sidoo kale uu kala dirayo xukuumadda marka ay weydo kalsoonida Golaha Shacabka, si waafaqsan Qod.69/2aad (e) oo lala akhriyo Qod. 90(d) DKMG.
  • M/weynuhu waxa uu ku yimaad doorasho, sida ku cad Qod.89, halka R/wasaaruhu uu ku yimaad magacaabista Madaxweynaha, sidaasi darteedna aysan suurtagal ahayn in awoodda magacaabista iyo xil ka qaadista uu yeesho R/wasaaraha.
  • Doodda ku saabsan caadada soo jireenka noqotay waa mid aan la cuskan karin sababtoo ah wuxuu dhaqankaasi dhaqangal ku ahaa is-ogol iyo isfaham ka dhaxeeyay labada mas’uul. Waxaa intaa dheer in caadada iyo dhaqanka aanay khilaafi karin axkaamta iyo nusuusta dastuurka ee sida cad u nidaaminaya mas’aladaan.
  • R/wasaaruhu iyo xukuumaddiisuba waa xilgaarsiyayaal, mana lahan awood ay ku magacaaban ama xilka uga qaadan saraakiil sare oo dowladda ka tirsan, maadaama waajibaadkooda shaqo ku kooban yahay sii wadidda ama joogtanyn howlihii xukuumadda iyo adeeggii bulshada (routine duties).

 

IV. Faallaynta labada aragti

Dastuurrada iyo shuruucdu waxay leeyihiin hab iyo mabaadi’ loo raaco fasiraaddooda oo ay ugu muhiimsan yihiin: a) sooyaal taariikheed ee dastuurka; b) ujeedka iyo yoolka loo dejiyay dastuurka; t) qaab-dhismeedka dastuurka; j) sooyaal garsoor ee fasiraadda dastuurka; x) fasiraadda luqadeed ee qodobka iyo; kh) fasiraadda waqti xaadirkan.

Waxaa sidoo kale lama huraan ah in la kaashado aqoon iyo xil kasnimo kolka la faaqidayo qodobada iska-hor-imaanaya ama khilaafku ka taagan yahay, iyadoo maanka lagu hayo mabaadi’da budhigga u ah dowladnimadeenna, xasilloonida siyaasadeed, is-aqbalaadda iyo isu-dheelli-tirka rabitaannada isla hor-imaanaya ama isdiiddan ee soomaaliya ka jira.

Haddaba annagoo ku gaashaaman arrimahaas oo idil ayaan ka faalloonaynaa labada aragti ee ku aadan ismaandhaafka iyo iska hor-imaadka qododaba dastuurka ee xeeriya awoodda M/weynaha iyo tan R/wasaaraha.

  1. Horta shaki kuma jiro in Qod.90aad (e) iyo Qod.100aad (b) ee Dastuurka KMG ay iska hor-imaanayaan, una baahan yihiin in la mideeyo axkaantooda.
  2. Waxaa sidoo kale doodi ka taagnayn in Qod.100 (b) uu si cad u siinayo R/wasaaaraha magacaabidda iyo xil ka qaadista xubnaha golaha wasiirrada. Dhanka kale in Qod.90aad (e) uu isna xeerinayo in M/weynuhu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.
  3. Haddaba waxaa muuqata in ay lagama maarmaan tahay in la mideeyo isla-markaana la’is- waafajiyo axkaamta farqadda (e) ee qodobka 90aad iyo tan farqadda (b) ee qodobka 100aad ee Dastuurka KMG, balse su’aashu waxay tahay sidee loo mideynayaa ama la’isu waafajinayaa? Maxaase hal-beeg laga dhigayaa? Falsafad noocee ayay ku dhisan tahay aragtida qabto in awoodda magacaabidda iyo xil ka qaadidda xubnaha Golaha Wasiirrada uu leeyahay R/wasaaraha oo keliya, M/weynuhuna aanu wax awooda ku lahayn arrintaas? Aan dul istaagno falsafadda aragtidaas:

– Waxay dadka qaba aragtidaasi ku doodayaan in qodobada xeerinaya awoodda R/wasaaraha ee magacaabidda iyo xil ka                      qaadidda ay qeexan yihiin oo aanay u baahnayn tafsiir ama in lala mideeyo qodobo kale; sidoo kale in qodobka awoodda                       xil ka qaadista siinaya M/weynaha uu shardi ku xiran yahay. Aragtidaasi waxay leedahay dhaliilo, waxaana lagu naqdin                       karaa:

  •   Doodi kama taagna in qodob dastuurka ka mid ahi siinaya R/wasaaraha awoodda magacaabidda iyo xil ka qaadidda          xubnaha Golaha Wasiirrada, hase yeeshay waxaa jira qodob kale oo isla dastuurka ah oo awoodda xilka qaadista siinaya Madaxweynaha, sidaasi awgeed qodobkeen qaadanaa, keese ka tagnaa? Suurtagal ma tahay in aan iska tuurno midkood, qaadannana kan kale? Maxaan saldhig uga dhigaynaa kala xulashada labada qodob? Maxaa inoo diidaya in aan mideyno axkaanta labadooda?
  • Falsafadda ka dambaysay ama ujeedka loo dejiyay Dastuurka KMG ayaaba ahayd in awoodaha iyo mas’uuliyada xilalka sare isu-dheelli-tirnaadaan, maadaama ay jiraan is-diidmo iyo loollan qabali ah oo ka dhaxeeya dadka soomaaliyeed. Sidaasi darteed waxay labada xafiisku marwalba kuwada joogaan, kuna wada shaqeeyaan is-ogol iyo joogtaynta xasiloonida siyaasadeed ee dalka.
  • Mabaadi’da qaanuunka ayaa inagu hagaysa in dastuurka la aqriyo guud ahaan, sidoo kale la dabaqo mabada’a is-waafajinta iyo isla-falgalka qodobada dastuurka oo dhan, taasoo ka dhigan in aanu jirayn qodob macno la’aan iskaga jira dastuurka.
  • Siyaabaha loo fasuro dastuurrada waxaa ka mid ah in lagu saleeyo duruufta iyo xaaladda taagan waqti xaadirkan, maadaama axkaatmu ay markasta is-bedeso kolka marka deegaanka, waqti iyo duruurfto isbedesho, sidaas awgeed la xeerinayo xaaladaha iyo duruufaha haatan taagan.
  • Waxaa xusid mudan in muddo xileedka hay’adaha dowladdu uu dhammaaday, xukuumadduna ay xil-gaarsiin tahay, sidaasi darteed axkaamta qodobada Q.100/b & Q.90/e ee DKMG laga hadli karo oo keliya inta lagu jiro xeendaabka muddo xileed sharcigu u asteeyay hay’adaha dowladda. Anagoo maanka ku hayna in waqti xaadirkan aanay awoodaha ku xusan qodobadaasi shaqayn karin, sabab la xiriirta xakamaynta awoodda xukuumadda ee ku xusan Qod.103 DKMG.
  • Nidaamka dowladeed ee dalku ma’ahan Baarlamaani, madaxweynuhu yahay magac-u-yaal, se waa nidaam isku dhaf ah oo uu M/weynuhu ku imaanayo doorasho, R/wasaaruhuna ku imaanayo magacaabista madaxweynaha la doortay, sidaasi darteed labada xafiis isku mug iyo miisaan ma’ahan, waaqica aan ku nool nahay ayaana ka turjumaya, sidaasi awgeed ansax ma noqon karto doodda oranaysa R/wasaaraha ayaa u madaxbannaan magacaabidda iyo xil ka qaadidda xubnaha Golaha Wasiirrada.
  • R/wasaaraha hadda shaqeeya waa xil-gaarsiiye, waxaana awooddiisa dabraya ama xaddidaya Qod.103 ee Dastuurka KMG. Xukuumadda xilgaarsiinta oo uu ka midka yahay R/wasaaraha, waxaa xilkeedu ku soo uruurayaa arrimaha soo socda:

– Fulinta howlaha socda (routine duties) ee la xiriiray maamulka guud iyo adeegga bulshada.

-Arrimaha u baahan in si degdeg ah wax looga qabto ee la xiriira danta guud, haddii aanay caqabad ku noqonayn                                      xukuumadda la magacaabayo ama aysan abuurayn qalalaase iyo khilaaf siyaasadeed.

-Xaqiijinta doorashada u dhacdo si xor iyo xalaal.

-Fulinta howlaha horay u socday iyo go’aanada siyaasadeed ee ay qaadatay xukuumadda dhacday ama waqtigeedu                                  dhammaaday.

  • Waxaa ka reeban xukuumadda xil-gaarsiinta qabashada arrimaha soo socda:

-Soo-jeedinta wax ka beddelka Dastuurka.

-Curinta ama soo gudbinta hindise ama mashruuc sharciyeed.

-Soo saaridda qaraarro ama go’aanno wax ka beddel qodobo sharci.

-Go’aanno wax ka beddelay qaab-dhismeedka hay’adaha iyo mu’assasaadka guud.

-Qaraarro ama go’aanno wax ka beddelaya xeer nidaamiyayaasha dowladda.

-Magacaabidda xilalka sare ee dowladda.

-Qaadashad go’aanno abuuraya qalaalse ama khilaaf siyaasadeed.

-Doodda ku saabsan dhaqanka iyo caadada soo jireenka noqday ee ah in R/wasaaruhu leeyahay awoodda magacaabidda iyo xil ka qaadidda xubnaha Golaha wasiirrada, waa mid ah maangal ahayn, sababaha soo socda dartood:

  • Dhaqanka lagu sheegay soo jireenku, ma khilaafi karto nas dastuuri ah, loomana macnaysan karo in darteed looga maarmaayo qodonkaas dastuuriga ah.
  • Dhaqanka ama caadada lagu sheegay soo jireenka waxay ka hor imaanaysaa sooyaalka dastuur, axdi iyo nidaamkii dowladeed ee uu dalku lahaan jiray. Waxa uu sooyaalku inoo sheegayaa in M/weynuhu leeyahay magacaabidda iyo xil ka qaadidda xubnaha wasiirrada; halka golaha wasiirrada ama wasiirka koowaad ay leeyihiin soo jeedinta oo keliya.
  • Dooddaasi waa mid aan ka turjumayn waaqica dhabta ah, waayoo waxaan ognahay in isfahanka iyo wada-shaqeynta labada mas’uul ay sabab u ahaayeen xasiloonnida siyaasadeed iyo khilaaf la’aanta, mar kasta oo ay ismaandhaafaanna uu khilaafka awooddu soo bixi jiray.
  • Doodda is-qabqabsiga hay’adaha dowladda gaar ahaan M/weynaha iyo R/wasaaraha waxaa markii ugu horreysay looga dooday shirkii Carta ee Jabuuti, iyadoo guddigii soo diyaariyay Axiga KMG 2000, ay soo jeedsheen in lagu noqdo Dastuurkii 1960-kii, si looga baaqsado is-qab-qabsiga awoodeed ee aalaa ka dhax aloolsama M/weynaha iyo R/wasaaraha, maadaama dastuurkaasi uu si qeexan u kala saarayo awoodaha xubnahaas.
  • Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegidda dastuurka ayaa iyaguna aad uga dooday arrinta khilaafka labada xafiis, iyagoo wax ka beddel aad u ballaaran ku sameeyay awoodaha M/waynaha iyo tan R/wasaaraha.

4. Doodda ama aragtida qabtaa isla aqrinta iyo is-waafajinta qodobadu waa mid maangal ah, kuna qotonta sooyaalka dastuur ee dalka, sidoo kale nidaamkii dowladeed ee uu dalku lahaan laga soo bilaabo 1960-dii ilaa maantadaan:

  1. Dhammaan dastuurradii iyo axdiyadii dalku lahaan jiray waxay, si isku mid ah u qeexayeen awoodda M/weynaha iyo tan R/wasaaraha, waxayna caddaynayeen in magacaabidda iyo xil ka qaadidda xubnaha wasiirrada iyo saraakiisha sare uu leeyahay madaxweynuhu marka uu helo soo jeedinta Golaha Wasiirrada ama Wasiirka koowaad.

      -78/4aad ee Dastuurkii 1960-kii waxa uu caddeynayaa in Madaxweynuhu magacaabayo xilkana ka qaadayo xubnaha golaha               wasiirrada kadib markuu soo jeediyo R/wasaaruhu.

  • 78/4aad ee Dastuurkii 1990-kii waxa uu dhigayaa in madaxweynuhu magacaabayo, xilkana ka qaadayo wasiirrada kadib markuu dhagaysto soojeedinta wasiirka koowaad.
  • 26aad ee Axdiga KMG (Carta) 2000, awoodda Wasiirka 1aad: Farqaddiisa 5aad: “Wuxuu xulaa wasiiradda, magacoodana u gudbiyaa Madaxweynaha”.
  • 44/3aad ee Axdigii 2004, waxay dhigaysaa in madaxweynuhu xilka ka qaadayo wasiirrada iyo wasiir ku xigeennada kadib markuu soojeediyo R/wasaaraha.

-Waxaa taa ayyidayo in marka la’isla akhriyo Qod.90aad (e) (k) iyo Qod.117aad ee Dastuurka KMG in M/weynuhu leeyahay                  ogolaashiyaha ama diidista magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha golaha wasiirrada, saraakiisha sare iyo madaxda hay’adaha      dowladda federaalka.

-M/weynuhu waa isku tolaha ama isku xiraha laamaha kala duwan ee dowladda, waxay idilkood ku shaqeeyaan siyaasaddiisa, wuxuu xeer Madaxweyne ku meel-mariya xeerarka iyo go’aannada ay soo saaraan hay’adahaas.

-Madaxweynihu waa ilaliyaha dastuurka iyo xerrarka, wuxuu dhaxda u yahay hay’adaha kala duwan oo uu xeeriyo wixii khilaaf ah ama ismaandhaaf ah oo ka dhexdhasha; halka R/wasaaruhu yahay madaxa laanta fulinta, waajibkiisa ugu bandanna uu ka gudanayo hay’adda uu madaxda u yahay.

 

V. Gunaanadka:

Soomaaliya waa dal ka soo kabanayo colaado sokeeye oo ragaadiyay muddo sanado ah, dowlad-nimadiisuna waxay ku jirtaa socod barad. Waxaa lagu wada shaqeeyaa isu-dheeli-tirnaan, is-ogol iyo is-faham oo ah xalka keliya ay ku jiri karto dowlad-nimadaas, laguna ilaali karo xasilloonida siyaasadeed.

Waxaa kaalin taban ku leh arrinta khilaafka dastuurka oo weli KMG, dib-u-eegistiisana aan la dhamaystirin iyo maxkamaddii dastuurka oo aan weli la dhisin.

Dastuurku waa KMG, waa qabto oo weli dib-u-eegid iyo wax ka beddel dhammaystiran lagu samayn. Waxaa xaqiiqo aan la dafiri karin in ay ku jiraan dal-daloola, iskhilaaf iyo iska-hor-imaanshiyo axkaamta qodobadiisa.

Waxa uu u baahan yahay toosin, qabayn, ku daris iyo ka dhimid intaba, wuxuu sidoo kale u baahan yahay in wada-xaajood siyaasadeed laga galo arrimaha siyaasadda.

Khilaafka labada xafiis (M/weynaha & R/wasaaraha) waa mid siyaasadeed, inkastoo dastuurku yahay mar-marsiiyaha iyo hellinka keliya ee lagu awr-kacsado, sidaasi darteed khilaadka qodobada ka hadlaya awoodda M/weynaha iyo tan R/wasaaraha waa mid siyaasadeed, waayoo waxay dhibaatadu bannaanka u soo baxda mar allaaliyo markii uu ismaandhaaf ka dhax-curta M/weynaha iyo R/wasaaraha.

Waxaan ku ebyayaa dooddeyda:

  1. In khilaafka haatan ka dhax-aloolsan labada mas’uul uu yahay mid siyaasadeed, arrinta dastuurkuna ay tahay awrkacsi.
  2. In aysan maangal ahayn in qodobada dastuurka qaarkood la akhriyo, kuwa kalena laga tago, ayna qasab tahay in la wada aqriyo, lana mideeyo axkaamtooda.
  3. In qodobada Q.100/b & Q.90/e DKMG la’isla akhrinayo, axkaamtoodana la midaynayo, taasoo macnaheedu yahay in R/wasaaruhu uu yeelanayo soo jeedinta, M/weynuhu samaynayo magacaabidda iyo xil ka qaadista xubnaha golaha wasiirrada.
  4. In awoodda R/wasaaruhu markasta ku tiirsan tahay tan M/weynaha, maadaama uu isagu magacaabo, uuna ku shaqaynayo barnaamijkiisa iyo siyaasaddiisa.
  5. In nidaamka dowladeed ee dalku yahay kan isku dhafka ah oo aanu ahayn mid baarlamaani ah oo uu R/wasaaruhu leeyahay awoodda oo idil, M/weynuhu yahay mid sharafeed; balse M/weynuhu magacaabayo, xilkana ka qaadayo R/wasaaraha marka uu waayo kalsoonida Golaha Shacabka.
  6. In dhaqanka ama caadada soo jireenka ee siyaadeed ay ku qotontay isfahamka iyo is-ogolnimada labada xafiis, hase ahaatee marka khilaaf yimaad uu dhaqankaasi meesha ka baxo, laguna rafto awoodda dastuuriga.
  7. Ugu dambeyn dastuurka ayaa dhib ku qabo madaxda dowladda ee iyagu dhib kuma qabaan dastuurka, waayoo waxaa laga leexday wax allaaliyo wixii uu jidaynayay dastuurku, maadaama ay ka gaabiyeen dhamaystirka dib-u-eegidda dastuurka iyo yagleelidda maxkamaddii dastuurka ee fasiri lahayd qodobada la’isku khilaafsan yahay.

 

WABILLAAHI-TOWFIIQ

W/D: Qareen Zakariye I. Nuur

                                              zakariyei@gmail.com

 

 

 

 

 

[1] Fiir Qod.83/1aad ee Dastuurkii 1990; Qod.24/7aad Axdigii 2000; Qod.44/1aad ee Axdigii 2004.

Share

Scroll to Top

Donation Form