DOORKA XAFIISKA XEER ILAALINTA EE CADAALADDA IYO GARSOORKA
Mowduuca daraasaddani waxa uu diiradda saarayaa doorka xafiiska Xeer Ilaalina Guud uu ku leeyahay cadaaladda iyo garsoorka. Waxay kooban tahay daraasaddani gogoldhig, sharciyadda xafiiska, caqabadaha guud iyo cabashooyinka ka jira xafiiska xeer ilaalinta iyo ugu dambayn talo-soo jeedin.
i. Gogoldhig
Cadaaladdu waa tiir aasaas iyo udub-dhaxaad u ah qiyamka insaaniyadda ee uu Islaamku la yimid, kana dhigay midka ay ku taagan tahay nolosha qofka, qoyska, bulshada iyo umadda oo idil, cadaaladda darteed ayaa Nabiyada loo soo diray, Kutubta loo soo dejiyay xiitaa ay ku taakmeen tiir la’aan cirka iyo dhulku.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud waxa uu ka mid yahay garsoorka oo ah bud-dhigga cadaaladda iyo tiir kamid ah tiirarka dowladda
ii. Sharciga Uu Ku Dhisan Yahay Xxig Ee Qaranka
Haddii aan dib u milicsanno taxanaha sooyaalka Dastuur iyo midka xeereedba ee dalka loo dhiigay waxay tilmaamayaan ahmiyadda iyo saldhigga, waajibaadka iyo xilalka loo asteeyay Xafiiska Xeer Ilalainta Guud.
- Dastuurki 1960 ee uu ansixiyay Baarlamaanki Soomaaliya 21 Juun 1960, laguna meel mariyay afti dadweyne 20 Juun 1961, wax ka bedelna lagu sameeyay 31 Disembar 1963, waxa uu si mabda’a ahaana u tilmaamayay hay’adaha garsoorka oo uu ku jiro Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka isagoo tilmaamay in xeer gaar ahi uu nidaamin doono sida ku cad Qod.94, 96.
- Dastuurki 1979, aftidana loo qaaday 25 August 1979 waxa ay Qod.96, 103 iyo 104 si cad u tilmaamayaan in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku uu ka mid yahay Garsoorka.
- Dastuurki 1990 waxaa lagu daabacay nuqulkiisii ugu horreyay faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 12 October 1990, hase yeeshee iyadoon afti loo qaadin ayay dowladdi dhacday. Qod.112aad waxa uu si cad u sheegayaa in xeer ilaalinta guud ay tahay hay’ad garsoor oo midaysan, sharciguna uu tilmaamayo awoodaheeda iyo xilkeeda.
- Axdigii Qaranka KMG 2000, waxay ergadii shirki Carta ansixiyeen axdiga kmg 26 Juun 2000. Qod.34aad waxa uu si cad u tilmaamayaa in xeer ilaalinta guud ay tahay qeyb kamid ah hay’adda garsoorka.
- Axdigi KMG EMBEGATI 2004 oo ay ansixiyeen ergadii shirku bishii Febaraayo 2004, waxa uu Qodobkiisa 64aad si cad u tilmaamayaa in xeer ilaalinta guud ee qaranku ay ka mid tahay garsoorka.
- Dastuurka KMG ee la ansixiyay August 2012, waxa uu Qod.109A iyo Qod. 114 si mabda’a ahaan ugu tilmaamayaa xeer ilaalinta guud ee qaranka, gaar ahaan nuqulka Ingiriisiga ah, isagoon tilmaamayn in uu ka tirsan yahay garsoorka iyo inkale.
- Qod. 7, 8aad Xeer Lr. 3 ee 12 Juun 1962 Xeerka Nidaamka Garoorka iyo Qod.14, 15, 16, 17aad ee Xeer Lr.34 ee 22/9/1974. Sida ku cad Qod.18aad, faqraddiisa 1aad ee Nidaamka Garsoorka 1974 waxa uu nidaamka garsoorku u dhisan-yahay garsooreyaal dacwadda gala iyo garsooreyaal dacwadda ooga.
- Qod. 12, 69, 70, 71, 72,110, 163 XHC iyo Qod.46, 47, 48, 49, 50, 159, 248, 267 XHM
iii. Xilalka iyo waajibaadka Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud waxaa ka mid ah:
- Baarista iyo oogista dacwadaha.
- Kormeeridda xabsiyada iyo xarumaha edbinta iyo dhaqan-celinta caruurta.
- Ilaalinta iyo difaacidda xuquuqda agoonta iyo dadka garaadkoodu dhiman yahay.
- Ilaalinta iyo difaacidda cadaaladda danaha qaranka iyo kuwa dadweynaha;
- Kormeeridda hay’adaha baarista iyo saraakiisha Booliska ee dacwadaha gacanta ku hayo iyo hubinta soo gudbinta caddeymaha muddada uu u cayyimay sharciga.
- Iyo awoodo iyo xilal kale.