Gogoldhig
Ummadi markii ey meel kuwada noolyihiin waa in ey leeyihiin xeerer kala haga, hadaba sida lasoo wariyo soomaalidii qarniyo hore nooleyd waxaa la sheega in ey lahaayeen xeerar lagu jaangooyay dhaqankii Somaliyeed ee wanaagsana iyo shareecada islaamka.
Xeerarkas oo jiilba jiilka ka danbeeyay uu ka dhaxli jiray waxaa xaqiiqa ah in shareecada islaamka asal u aheyd in kasto xeerarkii soomaalida ku dhaqmi jirtay meelaha qaar ey shareecada ka durugsanaayeen sidaa oo ey tahay dhaqanki soomalida waxaa tiir dhaxaad u ahaa shareecada islaamka.
Gumestihii markii uu qabsaday dhulweynihii Somaliyeed waxa uu layimid Xeerar kala duwan oo bulshadii xiligaa nooleyd aqoon eysan u laheyn, maadaama ey ahaayeen kuwa ka duwan Xeerarkii Somalida isku maamuli jirtay iyo Shareecadi islaamka ee masdarka u ahayd dhaqankii Soomaalida.
Sidaas oo ey tahay gumeestihi ayaa si tartiib tartiib waxa uu ugu soo rogay Somalidi Xeerar . Xoriyadii kadib guumeestaha waxaa laga dhaxlay uu inooga tagay xeerarka kala duwan oo laga soo qaatay labo falsafad qaanuuneed oo kala ah:-
1. Falsafad qaanuunedka Iskuulka Guud “Common law system” oo dhaqan-gal ka ahaa gobalada waqooyi “ Britsh Somaliland protectorate ” .
2. Falsafad qaanuunedka Iskuulka gaarka ah” civil law system” oo dhaqan-gal ka ahaa Gobalada koonfureed ee loo yaqaan “ Italian Somalia”
Maxay kala yihiin labadan nidaam xeereed
Dowlad walba waxa ee leedahay falsafad qaanuuneed oo u gaar ah, taas oo la fal-gasha dhaqan-dhaqaalaha bulshadeeda, Xeerar iyada u gooni ah oo uu ey dabaqaan Hay’adaheeda Garsoor, Xeerka waxuu kamidyahay wax-yaabaha lagu xaqiijiyo madax-baanida Dowladda “State sovereignty”.
Qaab-dhismeedkii adduunka cusub “New world order’ oo soo shaac baxay kadib dagaaladii adduunka ½-aad ayaa waxa la socday qaab-dhismeed dhaqaale, siyaasad, qaanuun taas oo ay horumuud u ahaayeen Dowladihii ku guuleystay dagaalka.
“Sida uu ku qorey Caalimkii Weynaa Ibnu Khalduun Buuggiisa Horudhaca, waxaa sunno ah in ciddii guuleysto la raaco dhaqankooda ayna noqoto hoggaanka ilbaxnimada”.
Hadaba sida lawada ogyahay waxaa soo shaac baxay nidaamyo qaanuuneed oo ay ugu caansanyihiin, labada fal-safo qaanuuneed oo kala ah:-
1. Common law system ينوسكسولجنلاا يئاضقلا ماظنلا
Nidaamkaan taariikh ahaan waxa u laabanayaa boqortooyada ingiriiska iyada oo isticmaali jirtay waxa u eg qaraaro la qoray taas oo ahayd hab-dhaqanka guud ee bulshada mideeya, waxaa la sameeyey Maxkamado loo bixiyey ”Courts of Equity” Nidaamkaan ayaa waxaa la tix-galiyaa dhacdooyinkii horey u dhacay, Garsooraha ayaana ah sharci sameeya “ law maker”, waxaana lagu sameeyey horumarin asagoo u sii kala baxay dhawr iskuul oo faracyo ah.
2. Civil law system النظام المدني اوالنظام اللاتيني
Civil law system waxaa u taariikh ahaan u laabanayaa aasaskiisa boqorkii boqortooyada Roomaanka ee kowaad “Justinian” muddo laga joogo 600 oo sano ka hor dhalashadii Nebi ciise, waxa uuna sameeyay horumar marba marka ka dambayso oo uu Boqor yimaado carshkiga boqortooyada roomaaniya ilaa uu noqdo Qaanuun ay ku dhaqmaan in kabadan 150 dowladood oo manta jira. Nidaamkaan ayaa ka dhigayo Garsooraha mid ku xadidan waxa qoran oo xataa awoodiisa qiimeyn ay koobantahay, waana hab qalallan oo waxa qoran qiimeeya.
Soomaaliya hab noocee ah ayeey qaadatay?.
Xeer-maalka Soomaalida ayaa ku kala aragti duwan habka la dhihi karo Soomaaliya wey qaadatay maadaama labada hab qaanuuneedba ey ka ahaayeen dhaqan-gal dalka Soomaaliya, ayna jirtay dadaalo is waafajin iskuulada iyo waliba dhaqanka iyo Shareecada Islaamka.
Dhuuxidda dooda Xeel-dheerayaasha Xeerka ayaa isugu bisha shubanayso in Soomaaliya qaadatay hanaan aan ku koobnayn hal iskuul, sababtoo ah Soomaalia oo ah dal muslima ah, dhaqankooda uu yaha mid u dhaw hanaanka Comman law-ga ah ee tix-galiya dhacdooyinka hore, guurtidana ay sameyso Xeer markii dhacdada ay tahay gar-dhalad aysan ahayn ugub taas oo saamayn ku leh xeerkooda. Intaas waxaa dheer dowladnimada casriga ah oo u qortay Soomaalida Xeerar ay tahay in la dabaqo balse laga dhex-lay labo hab-qaanuued oo kala duwan.
Akhrinta daruufaha taariikheed iyo qodobada dhex-dooda, hab-dhismeedka Garsoorka, Habka cadayn muujinta, dacwad qaadista, xeer-samaynta, xuquuqul insaanka dhammaan waxaa inaga soo baxayo in ay Soomaaliya tahay habka isku dhafan ee loo yaqaan “Mixed law system”
Gunnaanad iyo Soo jeedin.
Ugu dambayntii, waxaa xaqiiqo ah in Soomaalida manta ay ka fursad badan tahay Soomaalidii hore, xag dhaqaale iyo xag aqooneed intaba.
Waxaa kaloo xaqiiqa ah in dunida ay isu furantahay xag aqooneed iyo tignoolajideed intaba, isbadal wayna uu ku dhacay habkii qaanuuneed ee taqliidiga ah sidaas darted waxay Madasha soo jeedinaysaa:-
1. In laga baxo xayndaabka magacyada ee loo gudbo ka faa’idaysiga tijaabooyinka oo dhan, iyadoo la isu dheeli tirayo.
2. In dib u habayn wayn lagu sameeyo hanaanka sharci iyadoo dowr wayn la siinayo dhaqanka Soomaaliga, fahan diineedka casriga ah iyo habnooleedka bulsho.
3. In la is faawajiyo hanaanka casriga ah ee dunida “Modern state style” maadaama aan dhinac ka nahay heshiisyada dunida iyo ururada caalamiga ah iyo dhaqan bulsheedka Soomaaliyeed si loo helo Xeerar Soomaali leedahay, lana jaan-qaadi karo dunida.
=Dhammaad=