HAB-QORAALKA DUKUMINTIYADA SHARCIGA IYO DACWADAHA MAXKAMADAHA
- Hordhac
Qareennadu waxay sameeyaan qoraalo kala duwan oo isugu jira arjiyo dacwad, wargelin sharci, codsiyo, is-hortaagyo, aragti iyo talooyin sharci, qoraalo difaac, cabasho iyo qoraalo kale oo maxkamadeed ama kuwa ku socdo hay’adaha maamulka guud ee dowladda, waxay sidoo kale diyaariyaan dukumintiyo kale oo sharci sida heshiisyada, hibooyinka, dardaaranka iyo xeerarka iyo xeer hoosaadyada shirkadaha iyo iwm.
Qorista sharciyadu waxay mihiim u tahay guud ahaan sharci yaqaannada, waxaana soo hoos-galaya diyaarinta Dastuurka, shuruucda dalka, xeer hoosaadyada, go’aannada maamul, heshiisyada, diyaarinta dacwadaha iwm.
Waxay ahmiyaddaasi ku uruuraysaa labo arrin oo kala ah falaqeynta sharciga (legal analysis) iyo hormo-qoraal sharciga (legal drafting).
1.1. Falaqeynta Sharciga (Legal Analysis):
Falanqeynta sharcigu waa soo bandhigidda xogta kiiska oo dhan, qodobada sharci xiriirka tooska ah la leh dhacdada, mowduuca khilaafka, kadibna lagu dhiso aragtida sharci iyadoo la isku xirayo mowduuca khilaafka, asbaabta iyo xeerarka ku dabakhmayo mas’alada.Sidaas darteed falanqeynta sharcigu waa aalad loo adeegsado habki la isugu xiri lahaa sharciga iyo kiisyada lahor keenaayo maxkamadaha.
Falanqeynta sharci waxay ku uruurtaa tallaabooyin dhowr ah oo ka mid yihiin:
- In la ogaado xudunta khilaafka.
- In la xadido habka la isku-waafajinayo karo ama ay isula fal-geli karaan mowduuca khilaafka iyo xeerka khuseyso mas’aladaas.
- In raadraac lagu sameeyo go’aanno la mid ah kiiskaan oo horay loo xukumay ayna cilalka iyl asbaabta ka midaysan yihiin.
- In ugu damabeyn lasoo saaro natiijada.
Falanqeynta sharcigu waxaa ay ku qotontaa laguna jaangooyaa Afar (4) hal-beeg oo kala ah:
1.2. Hannaanka qoraalka qaabaynta iyo ka hortagga ah(planning and preventing writing)
Qareennadu waxay badanaa raacaan hannaanka sare ku xusan marka ay qorayaan dukumintiyada la xiriira mucaamalaadka sida dardaaranka, hibada, kirada, shuruucda shirkadaha, heshiisyada dhisidda shirkadaha, heshiisyada beeca iwm.
Hannaanka qoraalka qaabaynta waxa uu tilmaamaa xaqa dhinacyada, wuxuuna xadeeyaa hab-dhaqankooda.
Waxaa saldhig u ah hannaankaas xeerka la xiriiro hadba macaamilka la galayo, haddii uu kiro yahay waxaa loo raacayaa xeerka kirada, hadduu beec yahay waxaa loo raacayaa qodobada beeca iyo xeerka khuseeya mowduucaas u gaarka ah.
Qaabaynta iyo diyaarinta dukumintiyada waxay saamayn weyn ku leeyihiin xeerarka macaamalaadka, haddii si kale loo dhigo labada hannaan ee sare ku xusani waa kuwa ugu muhiimsan doorka qareenka ee qoraallada sharci. Marka uu raacayo qareenku habka sare ku xusan wuxuu curinayaa, sidoo kale uu qaabaynayaa mid kamid ah wax is-weydaarsiga iyo xiriirka ugu wanaagsan ee nolosha kalyantiga ee dunida ganacsiga, halka hannaanka qoraalka ka hortaggu uu diiradda saarayo ka hortagga khilaafaadka ama murannada ka imaan kara mustaqbalka ama dhibaato ku dhacdo kalyantigiisa halki uu magdhow u codsan lahaa ayuu wuxuu ku caawiyaa ka hortagga dhibaatada halki uu magdhowga dhibaatada ka dhalatay raadin lahaa.
1.3. Qoraalka Odoroska ah(predictive writing )
Qoraalka odoraska ah ama saadaalinta ah waa mid ka mid ah hannaanka talo siinta kalyantiga ee arrimaha timaadada iyo u toog-haynteeda.
Inta badan kalyantigu waxa uu talo sharci weydiiyaa qareenka marka uu qaadanayo go’aan muhiim ah, marka go’aankaas ay ka dhalanayso natiijo sharci, sidaasi darteed waa in qareenku raadiyo, cilmi baarisna ku sameeyo xeerarka khuseeyo mas’aladaas, sidoo kale uu saadaaliyo natiijada sharciyeed ee ka dhalan karta go’aanka kalyantiga iyo ka baaraan degidda tallaabada ku haboon.
Qoraalka saadaalinta ama odoroska ah, waa in qareenku falanqeeyo shuruucda Qoraalka saadaalinta iyo odoraska ee la xiriiro dacwadaha waa in qareenka iyo kalyantigu ay go’aan ka gaaraan su’aalo badan oo la xiriiro dacwadda iyo hannaanka socodsiinteeda sida gal furista iyo maaraynta dacwadda, haddii lagu dhamaynayo wada-xaajood ama la aadayo Maxkamad.
Si loo xaliyo su’aalahaas la xiriira dacwadda iyo dhammaan arrimaha ku gadaaman dacwadda waa in qareenku qadariyo, saadaaliyo natiijada sharci ee suurtagalka ah iyo talada ku haboon ee dhaxal-galka ah, una gudbiyo kalyantiga ama qareenka kale ee kula jira dacwadda khuseysa kiiska si xikmadaysan, si lamid ah siduu garsooruhu yeeli lahaa.
Inta badan qoraalka saadaalintu waxa uu ku yimaadka laba sababood midkood: in qareen kale uu kaa codsado talo ka bixin mas’alo u baahan falanqeyn iyo faaqidaad sharci oo isaga uu mugdi uga jiro, tan labaad waa talo sharci ee uu ku weydiisto kalyantigaadu.
Doorka qareenka ee odorista natiijada sharci ee mas’alada la weydiiyay haddii loo raaco habka aan tilmaanay waxay xoojinaysaa doodda dhinaca sameeyay, waxay sidoo kale taagdaraynaysaa dhinaca ay lid ku tahay.
Waxaa laga yaabaa nuxurka qoraalka qareenka ee saadaalinta ah in aanu noqon jawaabta uu doonayay kalyantigu ama qareenka ka codsaday taxliilinta mas’alada wax laga qorayo, hase yeeshee waxaa hubaal ah in ay jawaabtu tahay middi ay u baah-naayeen si ay u qaataan go’aan wax ku ool ah.
1.4. Qoraalka qancinta ama ka-dhaa-dhicinta ah(persuasive writing )
Waxaa xaqiiq ah in dhibaatada ama caqabadda sharci aan markasta laga baaqsan karin, mararka qaarna aan la dafiri Karin, waxaana dhacdo in arrintu ku dhamaato dacwad. Haddii ay taasi dhacdo waxay noqonaysaa in qareenku dacwadda oogo, isla-markaana uu qaato kaalinta ka dhaadhicinta. Muhiim ah ma’aan natiijada aad saadaalisid in ay noqoto 100%, ee waxaa muhiim ah in aad ka dhaa-dhac-siisid oo aad aaminsiisid Garsooraha in uu soo saaro natiijo wax u tarayso, danna u ah kalyantigaada, una sheegtid in kalyantigaadu yahay kan xaqlaha ah, lagama maarmaana ay tahay in uu guulaysto.
Waa in aad la timaadid dood adag oo saldhig sharci ku qotonto, leh asbaab maangal ah, laalaysa dhammaan doodda dhinaca kaa soo horjeedo.
Inksatoo labada mabda’a ee saadaalinta iyo ka dhaa-dhicintu kala duwan yihiin, haddana waxaa saldhig u ah falanqeynta iyo faaqidaadda
Si qareenku u fahmo natiijada uu saadaalinayo, waa in uu fahmaa sida dooddu u saamayn karto qofka caadiga ah, sidaasi darteed kobcinta falanqeynta odoroska ah waad kobcin kartaa falanqeynta kadhaa-dhicinta ah.
Falanqeyntani waa in laqanciyo dadka iska leh go’aaminta doodaha si loogu soo-jiido maslaxada cidda wadata doodda, hab qoraaleedkani waxaa loo adeegsadaa dacwooyinka maxkamadaha lahorgeynaayo (Briefs),codsiyada ay soo gudbiyaan mudanayaasha baarlamaanka ama golaha wasiirada si ay u qanciyaan goleyaasha ay katirsan yihin(Motions).
1.5. Falanqeynta mowduuciga ah (objective analysis)
Falanqeyntani waa mid looga baahan yahay talo bixinta iyo gudbinta aragtida sharciyadeed, qorista isfahamka labada dhinac, soo saarista qoraallo sharci yaqaanadu isu dirayaan iyo go’aanada maxkamadaha waxaana arrintaan looga baahan yahay in mowduuca loo falanqeeyo si dhab ah oo qodobeysan.
- XIRFADAHA AQRINTA QORAALLADA SHARCI
Qodobada iyo nusuusta sharciga waxay u baahan-yihiin xirfad gaar ah iyo hab u gaar ah oo loo diyaariyo loona aqriyo, waxaa dhacda in mararka qaar fahamka erayo ama jumlado ku jiro ay ku adkaadaan sharci yaqaanka, haddba si loo fahmo macnaha iyo nuxurka uu xambaarsan-yahay sharciga ama qodobka u baahan fahamka qotoda dheer waxaa lagama maarmaan ah in qareenku raaco hannaanka soo socdo:
- In marka hore uu dulmar guud ku sameeyo xeerka uu ku jiro qodobka, si gaar ahna loo akhriyo cutubka uu ku jiro qodobka.
- In qareenka ama sharci yaqaanku si deggan u akhriyo una u dul istaago nuxurka qodobka.
- In uu la kaashado mabaadi’da guud ee Qaanuunka, qaacidooyinka iyo shuruuxda la xiriirta mas’alada uu ku hadlayo qodobku.
- In uu si quman u baaro qaamuuska sharciga, si uu u helo eray bixinta rasmiga ah ee qodobka.
- In uu ku akhriyo luqada kala duwan haddii qodobku ku qoray dhowr luqadood ama uu la kaashado qof af-yaqaan ah.
2.1. KOOBIDDA QORAALADA SHARCI
In qoraal kooban laga sameeyo xeer ama qoraal guud oo sharci, ma’ahan mid sahlan, waxayna u baahantahay in marka hore si qoto dheer loo dhugto qoraalka, daraasad mug-weyna lagu sameeyo. Waxay taasi u sahlaysaa qareenka in uu lahaado xirfad uu ku uruuriyo nuxurka qodobo xeereed ee u baahan-yahay, dabadeedna uu sharaxaada ku haboon uu ka bixiyo marka lagu guda jiro garmaqalka ama uu diyaarinayo qoraallada sharci.
Marka qareenku diyaarinayo dacwadaha, waxaa laga yaabaa in dul istaago xukun ama go’aan Maxkaamdeed oo uu doonayo in uu racfaan, cabasho ama dib u eegis ka qaato, waxaa sidoo kale horyaal oo uu doonayaa in uu ka jawaabo qoraal uu diyaariyay qareen kale, kaasoo u baahan in si dhumuc leh loo daraaseeyo loona dul istaago si looga jawaabo.
Sidaa darteed waa in qareenku fahmo biya-dhaca iyo dulucda qoraal kasta ha ahaado kan qareenka dhinaca kale ee ay dacwadda iskaga soo horjeedaan ama qoraalka ka soo baxay Maxkamadda ama xafisiyada kale ee dowladda ama gaarka ah.
Waa in uu u baaro nuxurka iyo ubucda arrinta doodda, cilalka iyo asbaabta sharci iyo xeerarka ku dabakhmaya mas’aladaas.
2.2. QORAALLADA FALANQEYNTA MAADADA
- Qoraalada lagu soo bandhigaayo arigti sharciyadeed;
- Qoraalada hay’adaha ay isku diraayaan;
- Qoraalada qareenku u diraayo cida uu matalaayo;
- Qoraalada maxkamadda kasoo baxay.
2.3. QORALAADA FALANQEYNTA IYO KA DHAADHICINTA
- Qoraalada hay’adaha dhexdhaxaadinta;
- Qoraalada lagu soo gudbinaayo dacwooyinka iyo codsiyada;
2.4. QORAALADA HABRAACA LEH WAXAA KA MID AH:
- Xeerarka Baarlamaaniga;
- Heshiisyada dawladaha;
- Xeer hoosaadyada hay’adaha qaranka;
- Diyaarinta dukumiintiyada;
- Qorista dardaaranada iyo dhaxalka.
- HABKA DIYAARINTA DACWADA
Diyaarinta dacwaddu waa mid kamid ah tiirarka hagaagsanaanta dacwadda, waana furaha guusha kiiska. Qareen kasta ee dacwad ka galo Maxkamadaha darajooyinkooda kala duwan, mid madani ah iyo mid ciqaababa waxaa guushiisa saldhig u ah hadba sida uu u diyaariyo dacwaddiisa una soo bandhigo.
Garyaqaanka hal-abuurka leh waa kan si qoto-dheer u fahmo dacwadda, una fakaro waxna u falanqeeyo si ka duwan dhinaca ka soo horjeedo. Waa kan marka lagu jiro garmaqalka iyo dhagaysiga dacwadda la wareego hoolka Maxkamadda, la yimaad kalsooni, ixtiraamo Maxkamadda iyo nidaamka cadaaladda, waa kan dooddiisa ku xiro garsooraha iyo dhinacyada, kana dhaadhiciyo kuna hogaamiyo aqoontiisa, galsoonidiisa iyo daacadnimadiisa.
Guusha dacwaddaadu waxay badanaa ku xiran tahay diyaarinta dacwadda, Maxkamaduhuna waxay qiimeeyaan dacwadda hortaal ee u baahan go’aan ka gaarista.
Marka qareenku qabto dacwad waxaa waajibku ah inta aanu xarayn dacwaddaas in uu daraasad qoto dheer ku sameeyo dhammaan arrimaha ku xeeran dacwaddaas, waa in uu waraysi la yeesho kalyantiga, daraaseeyo si qumanna u taxliiliyo dukumintiyada, la kaashado khabiir haddii uu u baahdo, dhagaysto maraqaatiyada, falanqeyn iyo faaqidaad ku sameeyo mowduuca iyo dulucda dacwadda, kadibna isku xiro falka iyo xeerka, waayoo dhammaan arrimahaasi waa kuwa horyaal maxkamadda una baahan sharaxaadda marki ay bilaabato dhagaysiga dacwaddu.
3.1. Tiirarka Diyaarinta dacwadda
Haddaba waxaa jira arrimo laf dhabar u ah diyaarinta, soo bandhigidda caddeymaha iyo qorist dacwadda oo tahay in uu tixgeliyo qareenka.
- in uu nidaamiyo galka dacwadda. Waa in Qareenku u furaa, kuna diiwaan-geliyaa dacwad kasta ee la keeno xafiiskiisa gal gaar ah, sidoo kale waa in galkaas lagu qoraa dhammaan arrimaha la xiriiro dhadhaqaaqa dacwadda, muddeynada, dukumintiyada, qoraallada dacwadda ha ahaadaan kuwa Maxkamadda, hay’adaha kale ama Xafiiska qareenka.
- In uu si qoto dheer u daraaseeyo mowduuca, dulucda iyo dukumintiyada dacwadda.
- In uu akhriyo, fahmo, qiimeeyo dacwadda, sidoo kale in uu daraaseeyo, fahmo, qiimeeyo xeerarka iyo dhammaan shuruucda la xiriirta dacwadda.
- In uu qiimayn ku sameeyo kiiska, fiiriyana dhinacyada uu ku xoogan-yahay iyo dhinacyada uu ku liito.
- In uu ogaado qodobada xeereed ee la xiriiro habraaca iyo kuwa la xiriira nusuusta higan ee khuseeya kiiska.
- In uu ogaado dulucda iyo nuxurka dacwadda, kuna xiraa qodobada xeereed ee ku haboon mid habraac iyo nusuusba.
- In uu diyaariyo dukumintiyada, caddeymaha iyo qoraallada uu u gudbinayo Maxkamadda, sidoo kale uu si qoto dheer u fahmo nuxurka ay xambaarsan-yihiin si ay ugu sahlanaato sharaxaadooda haddii Maxkamaddu uga baahato.
- In uu si joogto ah ula xiriiro kalyantigiisa, una gudbiyo wax allaaliyo wixii ku soo kordho dacwadda.
- In uu radiyo macluumaad kasta ee la xiriiro dacwadda, si uu xal ugu helo caqabad kasta ee soo food saarto, iyo jawaabta su’aal kasta ee la soo bandhigi karo.
- In uu cilmi-baaris ku sameeyo guud ahaan mowduuca dacwadda, si qumanna u falanqeeyo.
- In uu si la fahmi karo ugu sharxo kalyantiga dacwadda iyo natiijada laga filan karo iyo xuluulka sharci, sidoo kale in uu hoosta ka- xariiqo su’aalaha sharci ee aan laga jawaabin iyo arrimaha kale ee dulucda iyo mowduuca dacwadda la xiriira ee u baahan dhamaystirka.
- in uu maskaxdiisa shiilo, asbaabta iyo cilalka faleed iyo midka xeereed isku xiro, kana soo saaro natiijo qiimo-gal ah.
- HANNAANKA QORISTA DACWADAHA
Marka laga hadlayo qorista arjiga dacwadda waa in maanka lagu hayo nuuca dacwadda la qorayo haddii ay tahay dacwad madani ah, maamul, ciqaab iyo haddii ay tahay jawaab-celin, racfaan, cabasho, dib u eegis, is-hortaag, racfaanka ka hortagga, codsiga xayiraadda, codsiga fulinta iwm.
Habka qorista arjiga dacwad kasta waxaa xeeriyay hadba nuuca dacwadda xeerka khuseeyo, haddii ay tahay madani ama maamul waxaa la raacayaa habraaca ku tilmaaman qodobada xeerka habka madaniga, haddii ay tahay dacwad ciqaab ah ee kamid ah kuwa lagu dhaqaajiyo ashtagada dhibanaha waxaa loo raacayaa habka xeerka ciqaabta, si taas lamid ah qoraallada difaaca dacwadaha ciqaabta ah, racfaanadooda, cabashooyinka iyo codsiyada dib u eegista dacwadahaas waxaa iyadana loo raacayaa qodobada habka xeerka ciqaabta ee khuseeya dacwaddaas iyo mowduuceeda.
- DACWADDA MADANIGA AH
Dacwad Madani ah “waa dacwad u dhaxeysa laba dhinac ama wax ka badan kuna salaysan xuquuqda gaarka ah sida heshiisyada, hantida iyo xuquuqda kale ee la xiriirta milkiyadda iyo gacan ku haynta iyo tsaruf hantida, iyo magdhaw bixinta gefafka loo gaysto xuquuqda uu aqoonsanyahay Sharcigu”.
Dacwadda madaniga waxay xallisaa dhibaato madani ahoo ka dhaxeysa labo ruux ama ka badan oo ku saabsan muran ka dhashay hanti, xiriirkooda dhinaca ganacsiga, ama khilaaf ka dhashay xiriirro kale.
- Tiirarka iyo shuruudaha Dacwadd Madaniga
Sida uu jidaynayo Qodobka 34aad ee DKMG dacwaddu waa xaq dastuuri ah, waxa uuna qof kastaa xaq u leeyahay inuu dacwad sharciga waafaqsan ka furto maxkamadaha awoodda u leh, sidoo kale Qof kasta wuxuu xaq u leeyahey inuu iska difaaco dacwadda uu danaynayo, heer iyo darajo kasta oo ay taagan tahay.
Si taas lamid ah Qodobka 68 XHM wuxuu astaynayaa xaqa oogidda iyo danta iyo maslaxadda dacwadda, wuxuuna tilmaamayaa in in ay waajib ku tahay qofka ku doodayo xaq in uu dacwadda ka oogo Maxkamadda awoodda u leh hoorteeda. Waxaa laga marmaan ah in dani ku jirto oogidda dacwadda iyo iska celinteeda.
Marka laga soot ago xaqa dacwadda iyo is-difaaca dastuuriga ah waxaa jira shuruudo aan la’aantood la aqbali Karin dacwadda kuwaasoo kala ah:
- In uu dacwadda oogo qofka xaqqa u dacwoonaya ama qof uu siisay wakaalad sharci oo ku matala dacwadda. Sida uu jidaynayo Qodbka 53 XHM uma bannaana qofna in uu u dodo naf ahaantiisa xaq dad kale ;
- In dacwoodaha ay dan iyo maslaxad ugu jirto dacwadda;
- In Dacwaddu tahay mid ku salaysan xaq sharcigu aqoonsanyahay;
Sida uu jidaynayo Qodobka 68 XHM waa in qofka dacwadda oogayo ee dacwoodaha ah ay ugu jirto oogista dacadda dan iyo maslaxad taagan, sharci ah, si toos ahna u taabanaysa xuquuqdiisa shakhsi.
- Shuruudaha arjiga dacwadda
Arjiyada dacwadaha Madaniga iyo Maamulka waxaa si cad u tilmaamayaa Qod.85, 119 XHM.
Waxay qodobadaasi si cad u tilmaamayaan habka qorista ajiga dacwadahaas iyo shuruucada iyo tilmaamaha laga doonayo arjigaaas.
Qodobka 85 XHM wuxuu dhigayaa waxyaabaha ay tahay in laga helo dacwadda lagaha furayo Maxkamadaha, waxaana kamid ah tilmaanta Maxkamadda dacwaddu ku socoto, dhinacyada, mowduuca dacwadda, asbaabta iyo dalabaadka iyo codsiga, sidoo kale in uu saxiixo dacwoodaha ama wakiilkiisa ama qareenka ku matalayo dacwadda.
Qodobka 119aad XHM wuxuu tilmaamayaa waxyaabaha la doonayo in laga helo dacwadda oo ka mid yihiin:
- Tilmaanta Maxkamadda dacwadda laga hor oogayo.
- Magaca oo dhan iyo meesha uu deggan yahay Dacwoodaha, magaca oo dhan iyo meesha uu deggan yahay Dacweysanuha iyo dadka iyaga ku kaalmaynaya Maxkamadda horteeda. Haddii dacwoodaha ama dacweysanaha uu yahay qof leh shakhsiad Qaanuuneed, waa in arjiga lagu sheego magaca iyo tilmaanta cidda matalayso hay’addaas ama cidda wakaaladda sharci ka haysato.
- Xaddidaad dulucda Dacwadda.
- In la sheego falka iyo mabaadi’da Xeerka ee saldhigga u ah dacwadda oo ay la socdaan gabo-gabada iyo codsiga
- Tilmaanta qodobka sugidda ee uu dacwooduhu doonayo inuu ku isticmaalo iyo Dukunmentooyinka uu soo bandhigayo.
- Magaca wakiilka iyo tilmaanta Wakaaladda, haddii wakaalasho ay jirto.
- ARJIGA DACWADDA IYO ARJIGA JAWAABCELINTA
Waxaan halkaan ku soo gudbinayaa sida loo qoro arjiyada dacwadaha madaniga ah iyo jawaab-celinnada arjiga ee dacweysanaha, waxaana ka bixinaynaa hoga-tusaalooyin dhowr ah oo muujinayo habka qorista dacwadda oo ay tahay qareenku raaco.
5.1. Arji dacwadda Madani ah
Arjiga Dacwaddu waa qoraal dacwadeed oo lid ku ah qof kale oo caadi ama qof leh shakhsiyad qaanuuneed kaas uu dacwoodahu dooku sheeganayo xaq, qaan ama is-hortaag xuquuqeed ama ciriiri gelin xaqiisa, kana furanayo Maxkamadda u woodda u leh horteeda, isagoo ku cadaynaya iyo dalabaadka uu u soo gudbinayo Maxkamadda.
5.2. ARJIGA JAWAAB-CELINTA DACWADDA
Arjiga jawaab-celintu waa qoraal uu Maxkamadda u soo gudbinayo dacweysanuhu kaas uu kaga jawaabcelinayo Arjiga dacwoodahaha. Jawaabta dacwaysanaha waxay noqo kartaa mid dacwaysanahu uu ku diidayo dacwadda ama mid uu ku qiraanaayo dacwadda dacwoodaha guud ahaan ama qeyb ahaan, waxaa kale uu dhacda in qareenku uu u gudbiyo Maxkamadda is-hortaag lidku ah dacwadda.
Difaaca mowduuca dacwaddau waa kan dacweysanaha uu gabi ahaanba ku diidayo jiritaanka dacwadda dacwoodaha ama uu ku sheegayo in xaqa dhicitaanka xaqaas ama in uu guday sida haddii deyn lagu dacweynayo, kuna dodo in uu deyntii iska guday oo aan waxba lagu lahayn.
Hase yeeshee waxaa jira is-hortaag sharci oo aan la xiriirin dulucda dacwadda iyo xagga laysku dacweynayo hase yeeshee la xiriiro habraaca dacwadda oo uu Maxkamadda u gudbiyo qareenka dacweysanaha.
Ishortaagga dacwaddu waxa uu mar walba lid ku yahay habaarca dacwadda ee xadiddda mowduuca, ikhtisaaska Maxkamadda iyadoon la guda galayn dulucda dacwadda.
Ishortaaggaasi wuxuu doodda dacwadda u rarayaa mowduuca habraaca iyo socoshada dacwadda, waxaana khasab ah in la gudbiyo inta aan laguda gelin dulucda dacwadda isla fadhiga ugu horeeya ee dacwadda, haddii aan sidaas la samaynayn xagga ishortaagaasi waa dhacayaa waxaana la dhagaysanayaa dulucda dacwadda.
- ARJIGA RACFAAN QAADASHADA DACWADAHA MADANIGA AH
Racfaanku waa arji qoraaleed uu dhinac kamid ah dhinacyada dacwaddu u gudbinayo Maxkamadda ka saraysa tan uu ka cabanayo eek u soo saartay xukun ama go’aan ama qaraar qaraarka ama amar isaga lid ku ah.
Racfaanka dacwadaha Madaniga iyo ciqaabta waxaa loo qaadan karaa maxkamadda racfaanka fal iyo xeerba, waxayna go’aan ka gaaraysaa dulucda Dacwadda, iyadoo ayyidaysa ama wax ka bedelaysa ama burinaysa xukunka ama qaraarka ama go’aanka racfaanka laga soo qaatay.
Waxay sidoo kale dib ugu celin kartaa Dacwadda Maxkamadda darajada hoose haddii uu jiray mid kamid ah asbaabta lagu xusay Qod.242 XHM oo ay ka mid yihiin haddii aan la ilaalin mabda’a iska-horkeenidda dhinacyada, xaqqa is-difaaca iyo cilado ku jira dacwad furashada oo burin kara xukunka sida haddii uu dacwada furay qof aan wakaalad sharci haysan.
Waxaa kale oo lagu duri karaa xukunka darajada hoose haddii aanu sababaysnayn ama asbaab ku filan aan loo cuskan xukunka, iyo haddii Maxkamadda soo saartay xukunka aysan ikhtisaas u lahayn Dacwadda ay go’aanka ka soo saartay.
Maxkamadda Racfaanku waxay burin kartaa xukunka racfaanka laga sooo qaatay, ama waxay dib ugu celin kartaa Maxkamadda soo saartay go’aanka ama mid ku darajo ah, si markale dib loogu qaado Dacwadda ama haddii Dacwadda sifiican loo soo dhisay waxay toos u geli kartaa dulucda Dacwadda.
Sababaynta xukunka waxaa ka mid ah caddeymaha iyo xujooyinka qaanuuneed ee lagu dhisay xukunka, waana in asbaabtu noqoto mid cad aan mugdi ku jirin, sidoo kale aan isburinayn.
6.1. ARJIGA RACFAANKA
Arjiga dacwadda ee Maxkamadaha darajada 1aad aad ayuu uga duwan-yihiin arjiyada racfaanka ee loo qoranayo Maxkamadda Racfaanka ee ah Maxkamadda darajada 2aad ee ka sarreysay Maxkamadda daraja 1aad.
Waxaa shardi ah in racfaanka loo qaadanayo Maxkamadda Racfaanku ku qotomo fal iyo xeer.
6.2. ARJIGA JAWAAB-CELINTA RACFAANKA
Arjiga Jawaab-celinta racfaanku waa qoraal ka hortag ah uu Maxkamadda u gudbinayo racfaansaaha, uuna ku difaacayo go’aanka isaga danta u ah, sidoo kale uu ku ciladaynayo asbaabta racfaan-qaadasho ee dhinaca kale.
- CABASHADA/RACFAANKA MAXKAMADDA SARE
Maxkamadda Sare ee Dalku waa hay’adda Garsoor ee uga sarrayso Dalka, waxay xaqiijisaa ilaalinta sharciga, fasirtaa qodobada sharciyeed ee loo soo gudbiyo, waxay sidoo kale leedahay awoodaha lagu xusay Qod. 5aad ee Xeer Lr.13 ee 12 Juun 1962, Qod.13aad ee Xeer Lr.34 ee 22/9/1974, Qod.10, 246, 266 XHM iyo Qod. 232, 233, 238 XHC. Awoodaha gaarka ah ee Maxkamadda Sare ee Dalka waxaa ka mid ah:
- Doodaha laga qabo go’aannada lagu gaaray heerka Racfaanka ama hal heer oo kali ah oo ka soo baxay Xubnaha Maxkamadaha caadiga ah;
- Doodaha laga keeno go’aannada kama dambaysta ah ee ka soo baxay Maamulka Guud ee Dowladda;
- Doodaha ku noqoshada u baahan(Revision) iyo ka noq’shada go’aaneed (Revocation) ee Maxkamadda, marka la helo asbaabta iyo shuruudaha ku xusan Qodobka 266 ee Xeerka Habka Madaniga iyo Qodobka 238 ee Xeerka Habka Ciqaabta;
- Iyo awoode kale;
Racfaanka /cabashadaloo qaato Maxkamadda Sare ee dacwadaha Madaniga iyo Ciqaabta waxaa la ogolyahay oo keliya, marka ay ku qotomaan asbaab sharci, si waafaqsan Qod.10/2 XNG iyo Qod.246 XHM.
- Maqnaashaha wilaayada iyo awoodda Maxkamadda ee xagga mowduuc, maadada ama xuduudda dhuleed.
- Khilaafidda xeerka iyo u gefidda ku dhaqankiisa.
- Bursanaanta xukunka iyo habraaciisa.
- Sabab la’aan ama ku filnaasho la’aan xagga asbaabta ah ama isburinta asbaabta xukunka ee la xiriirta arrin muhiim u ah go’aanka oo ay soo jeediyeen dhinacyada Dacwadda midkood ama Maxkamadda nafteedu ay soo gudbisay.
- DACWADA MAAMULKA
Dacwad maamul waa dacwad ka dhaxeysa shaqsi ama koox ama shirkad iwm iyo hay’adaha maamulka dowladda. Dhinaca dacwadda soo jeediyay waxaa la yiraahdaa cabte, dhinaca laga cabanaayo waa dawladda oo dhinac ka noqoneeysa dacwadda maamul, waxaana ku matalaya Garyaqaanka Guud ee Dowladda. Garsoorku wuxuu ilaaliyaa go`aanada ka soo baxa awoodda fulinta in ay yihiin go`aano waafaqsan qaanuunka, haddii go`aanadaas noqon waayaan kuwo waafaqsan qaanuunka, waxaa bannaan in maamulka dowladda maxkamadda laga dacweeyo, taas waxaa looga dan leeyahay in laga ilaaliyo awoodda dowladda in ay ku tumato danaha iyo maslaxadda Ummadda. Dacwad madani oo lid ku ah dawladda waxaa noqon karaa kuwa ka dhasha xiriirrad shaqada, murannada dhulka oo ay dhinac ka tahay dawladda, iyo kuwo kale, waxaana laga oogo Maxkamadda Gobolka.
Habraaca dacwadda Maamulku waxay la mid tahay habraaca dacwadda madaniga, waxaana awood iyo ikhtisaas u leh Maxkamadda Sare ee Dalka oo cabashada go’aanka hay’adaha maamulka guud ee kama dambaysta loo qaadanayaa.
- ASBAABTA DIB U EEGISTA IYO KU NOQOSHADA XUKUNNADA
Si waafaqsan Qod.266 XHM, waxaa dib u eegis iyo ku noqosho laga qaadan karaa xukunnada kama dambaysta ah, marka laga helo xaaladaha soo socdo:
- Haddii xukunku ku soo baxo natiijo ka dhalatay khataal (qish) uu la yimid dhinac ka mid ah dacwada taasoo dhibaato gaarsiisay dhinaca kale.
- Haddii la caddeyo xukunka kaddib in sugitaankii iyo dukumintiyadii lagu dhisay xukunka ay ahaayeen been-abuur, Maxkamaduna ay laasho xujuiyaddooda.
- Haddi ay soo baxdo xukunka ama qaraarka ama go’aanka dhaqanka-galay warqado si cad wax uga sheegayo oo goynaya Dacwadda oo aan suurtagal u ahayn in uu hore u isticmaalo sabab ka baxsan awooddiisa ama sabab uu dhinaca kale lahaa sida in ay gacanta ugu jirtay.
- Haddii xukunka soo saariddiisa ay sabab u ahayd natiijo ka dhalatay gef ku saabsan arrin ku cad warqadaha dacwadda iyo Dokumentooyinkeeda.
- Haddii lagu sugo Xukun kama dambays ah oo dhaqan-galay in xukunka dib u eegista laga qaadanayo uu ku soo baxay khiyaano garsoore.
Haddaba marka la helo sabab kamid ah asbaabta sare ku xusan ayaa la aqbali karaa codsiga dib u eegista ee uu dalbado dhinaca danaynayo, haddii la helo sabab kamid ah asbaabtaas waxay Maxkamaddu ayyidaysaa ama burinaysaa ama wax ka bedelaysaa xukunka ama waxay dib ugu celinaysaa Maxkamadda Darajada hoose ee ugu haboon, si Dacwadda loo saxo, dibna loogu galo, waxayna u hogaansamaysaa amararda ama go’aannada ay goysay Maxkamadda Sare.
- ARJIYADA DACWADAHA CIQAABTA AH
Dacwadaha ciqaabta ah waxaa aalaa oogo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, hase yeeshee waxaa jira dacwado ku yimaad ashtakada dhibanaha si waafaqsan Qod. 21 XHC oo lala akhriyo Qod.81, 84 XCS.
Sida uu jidaynayo Qod.21/1aad ee Xeerka Habka Ciqaabta qofka dhibane ku noqdo dembi aan kamid ahayn kuwa qaranku oogo, waxa uu ashtako u gudbin karaa hay’adda ay khusayso, si loo bilaabo oogitaanka denbigaa si waafaqsan Qod. 81, 84 XCS.
Qodobka 81 XCS wuxuu si cad u tilmaamayaa xaqa samaynta ashtakada: “Marka laga reebo Dembiyada uu qaranku oogo, Dembi kasta waxaa lagu oogi karaa ashkatada ama dalabka dhibanaha”.
- QORAALLADA KALE EE KALE SHARCI
Waxaa jira qoraalo kale uu diyaariyo qareenku oo aan ahayn dacwadaha Maxkamadaha, waxaana kamid ah wargelinnada sharci, talada iyo aragtida sharci iyo codsiyada uu u qoranayo Maxkamadda ama hay’adaha kale ee Maamulka Guud.
Waxaan halkaan ku soo gudbin doonaa hoga-tusaalooyin ku saabsan qoraaladaas sharci iyo falanqeyntooda.
- GUNAANAD
Qoraallada sharci iyo falanqeyntoodu kuma koobna oo keliya inta aan ku soo bandhignay qoroamadaan yar, waxaana shaki ku jirin in ay jiraan qoraale kale oo sharci oo aanan halkaan si dhamaystiran ugu soo uruurin Karin, sababo la xiriiro tabarbarka oo xadidinaa iyo mowduuca diyaarinta iyo qorista qoraalada sharci oo aad u baaxadweyn una baahan cil baaris dheeraad ah iyo waqti ku haboon in la geliyo.
Wabillaahi-Towfiiq
Waxaa diyaariyay Qareen Zakariye Nuur